Maxaa kala haysta Tarsan iyo Jawaari”Tarsanoow laba daran mid dooro”!.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu magacaaban Dowladda Fedraalka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa soo wajahay culeys badan oo dhinaca siyaasadda ah.

Tan iyo markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG-ka ee waqtigeedu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed oo ay si aad ah isug dhawaayeen Tarsan ayaa waxaa sii xoogeysanayay culeysda siyaasadeed ee uu la kulmayay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa uu dhawaan Barlamaanka cusub ka helay Kursiga Xildhibaanimada, isagoo rajeynayay in xilka Madaxtinimada uu kusoo laaban doono Shariif Sheekh Axmed, islamarkaaa uu sii ahaan doono Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Laakiin rajadii Tarsan ayaa meesha ka baxday markii Shariifka doorashada looga adkaaday, waxaana kulankii ugu horreeyay ee Xildhibaannada Barlamaanka dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho uu Gudoomiyaha Barlamaanka ka sheegay inaan la aqbali doonin in Xubin ka tirsan Barlamaanka uu xil kale ka qabto Dowladda, haddii ay taasi dhacdana xildhibaanka uu kala dooran doono in Xubinta Barlamaanka uu baneeyo ama uu ka tanaasulo jagada kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee DF Maxamuud Nuur Tarsan ayay hadda soo wajahday laba daran mid dooro, waxaana aan la ogeyn midda uu dooran doono, inkasta oo haddii uu doorto inuu sii hayo Xilka Gudoomiyaha gobolka aan la ogeyn  Mustaqbalka dhow in xilkaasi laga qaadi doono iyo in kale, tiiyoo la ogyahay in Madaxweynaha cusub uu wado qorshayaal uu ku badalayo raggii ku dhawaa Madaxweynihii la micyo siibay ee Shariif Sheekh Axmed.