Maleeshiyaadka DF oo weli magaalada ka raafaya dhallinyarada iyo dadka sunnada diiniga ah ka muuqato.

Maleeshiyaadka DF iyo Ciidamada Afrikaanta ah ee garabka siinaya ayaa weli waxay wadaan howlgallo qafaal ah oo lagu raafayo dhallinyarada.

Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howl wadaag iyo Wardhiigley ayaa saakay lagu daadiyay Maleeshiyaad aad u fara badan iyagoo qab qabasho ku billaabay dadka ku nool xaafadahaasi, gaar ahaan kuwa dhallinyarada ah.

Goob joogayaal ku sugan Xaafadaha howlgalladu ka socdaan ayaa Warbaahinta usheegay in howlgallada si gaar ah loola beegsanayo dadka ay Sunnadu ka muuqato.

Howlgalladan waxay ka qeyb ka yihiin ol-ole ballaaran oo maalmihii ugu dambeeyay Maleeshiyaadka DF ay ka wadeen magaalada Muqdisho, kadib markii magaalada ay kusoo bateen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.