“Isbuuca soo socda R/wasaare cusub ayaan magacaabi doonaa kadibna Gole wasiirro oo shaqada dowladnimo qaban doona”ayuu yiri Mahiga.
Taaso dadka indhaha isku haya u muujin karta inaan ku jirno gacanta waxa loo yaqaan Beesha Caalamka”Gaalada”.
Mahiiga iyo Xafiiskiisa UNPOS-SOMALIA ayaa ah kuwa iska leh wax walba oo laga rabo gayiga Somaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa ah nin aad u jilcan oo aan awoodba u lahayn inow haba yaratee wax uun go’aan dadnimo gaaro,waxaa kale oo gacanta u galay kuwa loo yaqaan DAMMU JADIID oo ah xisbiga Xasan Sheekh ka tirsan yahay,laguna sheego inay u badan yihiin kuwa bulshada ugu xun, Diin ahaan iyo dhaqan Somaliyeed ahaan.
Waxaadna ogaan doontaa markii Xasan sheekh lix bilood ku fadhiyo kursifa saaran Kaaran Amisom oo Shariif Sheekh laga soo tuuray isaga oo ooyaya, welina aan Jowhar gaarin,taasoo aad u jeclaa inow tago isaga oo madaxweyne ah.
Banaadir Post.