Kenya oo weli madaafiic naflacaari ah ku Duqeeynaysa Kismaayo xili ay ku jabtay inay gaarto Kismaayo iyo Xaaladda oo degan.

Mar qura xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo Waxaa laga maqlay hugunka Madaafiicda culus taasi oo dul mareysay Magaalada kuna hoobaneysay dhulka howdka ah.

Shalay ayaa sidan Oo kale diyaarad Nooca Miiga loo yaqaano ee Kenya ay leedahay waxay duqeysay duleedka Elaboorka Kismaayo halkaasi oo ay ku dhamaadeen xoolo fara badan oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta iyadoo dhowr nheef oo geel ah ay ku dhinteen.

Waa duqeymo naflacaari ah oo Maraakiibta Iyo diyaaradaha Kenya ay ku garaacaan dadka Muslimiinta waloow mararka qaar ay sababaan qasaare nafeed sidaba horay uga dhacday Magaalada Kismaayo mar sii horeysay oo ay ku shahiideen carruur Iyo haween ku noolaa gudaha Magaalada.