Cudurka Daacuunka oo Jubbada hoose ku laayay Askar Kenyaati ah

Xog Muhiim ah oo naga soo gaareyso deegaanka Jannaay cabdalle, Miidow,Harboole iyo Afmadow  ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan kenya uu ku dhacay cudurka Daacuunka loo yaqaano kaasi oo gallaaftay nolosha askar badan oo ka tirsan ciidamada Kenya,waxaa kale oo la sheegaya in gudaha kenya loo celiyay ciidamo badan oo laga helay cudurka dhimirka ama waali buufis ay dagaalka qaadeen keenay.

Sababta cudurkan uu kaga dhex dilaacay ayaa hadallo badan ay ka soo baxayaan waxaana dadka qaar ay u aaneeyeen in ciidanka Kenya ay haysato biyo xumi ka jirta deegaanadaasi oo Mararka qaar ka helaan biyo ku jira Waro Biyood ku yaala goobahaasi oo iyaguna sii guraya.

Askar badan oo uu soo ritay cudurkan daacuunka ayaa la sheegayaa in durba loo qaaday dalkooda si loogu dabiibo Isbitaalada ku yaala Kenya waxaana sidoo kale la aasay askartii u dhimatay cudurka iyadoo ay sidoo kale jiraan askar Somali ah oo dhankooda uu saameyay Cudurka.

Horey deegaanka Hoosingoow waxaa ugu dhintay askar Iyo saraakiil Somali ah iyo kuwo Kenyan ah Markii isla Daacuunka uu ka dilaacay deegaankaasi hoosingoow waxaana waqtigaasi ku nafwaayay dhowr sarkaal oo Somali ah qaarkoodna ay ka soo jeedaan deegaanka Hoosingoow ee ka tirsan Jubooyinka.

Banaadir Post.