Maxay Madaxda ugu sarreysa Dalka uga aamusan yihiin Xasuuqii ay Kenya ugu geysatay Shacbka Soomaaliyeed Deegaanka Jubbooyinka? (W/Q:-Xagaleey)

CIIDAMADA DALKA KENYA EE SIDA GARDARADA AH UGU SOODUULAY DALKEENNA AYAA CAADEYSTAY INAY XASUUQ BADAN UGEYSTAAN SHACABKA SOOMAALIYEED,AYAGOO KADUQEYNAYA CIR ,BAD IYO DHULBA.WAXAYNA SHALAY OO UGU DAMBEYSAY SI ULAKAC AH UXASUUQEEN DHALINYARO XOOLA DHAQATO AH OO TIRADOODA LAGU SHEEGAY ILAA SAGAAL QOFOOD,

 Afhayeenka AMISOM oo markii hore isku dayey inuu dafiro arinkaas ayaa markii dambe sidii looga bartay hadalkiisii kusoo gabagabeeyey waan baareynaa,kadibna tallaabo ayaan kaqaadeynaa,hadalkaas oo runtii ah hadal hore inoo daashaday oo aysan cidna dib uraaceynin (timirtii horeba dab loo waa) tanna waa lamid.
Waxaan wada xasuusanaa sidii ay madaxda dalka ugu sareyso uga jawaabeen markii uu wasiirkii kenyaatigu shariif shiikh axmed ku eedeeyey qaraxii kadhacay hoteelkii jasiira ee ay kula shirayeen madaxweyna cusub oo markaa 2-maalin jir ahaa.Si dhaqso leh oo degdegi kujirto ayeey madaxweyna iyo safiirka soomaaliya ee kenya fadhiya ugu jawaabeen arintaas.Waxaanan hubin inuu arinkaas kuwehliyey afhayeenka baarlabaanka maxamed sh, jawaari.Laakiin waxaan ayaan darro ah inay madaxdaasi hadda aysan weli kahadlin xasuuqa wiilasha soomaaliyeed loogu geystay dalkooda hooyo ayagoo aan hubeysneyn oo shacab ah.Mana filaayo inay kahadli doonaan loose joogee.
Dad saraakiil ah oo markii hore kamid ahaa kuwii kenya kusoo hogaamiyey dalka ayaa arintaas cambaareeyey waxayna sabab uga dhigeen icambaareyntooda inay raggan lalaayey isku beel yihiin taasoo ayadana ah nasiib darro labaad. maxaayeelay saraakiishani ayaa kenya nagusoo hogaamiyey,waa marka labaade waxay muujiyeen inay kanaxayaan oo keliya qabiil iyo qaraabo laakiin aysan qaranimo iyo shacab soomaaliyeed midna shaqo kulahayn (bìiwaa cabdinuuroow) ,waana kuwii dalka difaaci lahaa.
Haddii madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlabaanku ay profosoorro yihiin xasuuqa shacabkoodana ay ka aamusan yihiin,oo saraakiishii ciidanka qaarna ay qabiilkooda kaliya kagubanayaan qaarkoodna ayba cadowga safka lasoo galeen oo hortooda dhalinteennii lagu gummaadayo,oo kuwii dalka difaacayeyna leysugu tegay ee layiri waa argagixiso waa iga suaale yaa qaranka soomaaliyeed umaqan ilaahay kasokow???
W/Q: Xagaleey.