Qaramada Midoobey oo sheegtay inuu dheeraaday dagaalka lagula jiro Shabaabul Mujaahidiin.

Warbixin kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga hadlay dagaallka ay ciidamada shisheeye  kula jiraan ciidamada Xaradaka Shaabul Mujaahidiin.

Qoraalkaani ayaa lagu sheegay in waqtiga oo ku dheeraaday dagaallkane oo yahay mid aan fara ka qodneen sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu soo hadal qaaday Dhuxusha laga dhoofiyo gudaha wadanka Somali taasi oo ay ku sheegen in ciidamada Shisheeye ay ku karsadaan raashin balse waxa ay tilmaameen in Dhuxushaasi si weyn uga faaidaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Xogtaani ayaa dhawaan daabacday kooxda la socodka Somalia oo hoos tagta waxa loogu yeero QM taasi oo walaac looga muujinayay sida oo u dheeraaday waqtiga dagaallka ay kula jiraan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, oo dagaal adag kula jirto shesheeyaha soo dulay iyo dowladda KMG, ah ee dhiseen shisheeyaha.

Kooxda lasocodka Somalia ee Qm ayaa sheegtay in dagaallka lagula jiro Xarakada Shabaabul Mujaahidin oo yahay mid qaatay waqti dheer iyo dhaqaallo fara badan taasine waaa arin aad nooga hor imaaday,Xarakada ayaa ah mid heysata dhaqaale ku filan ciidamo leh tababar sare suurgalna maaha in dagaallka looga guuleysto ayee siiiraacisay warbixinta kooxda la socodka Somalia.

Sidookale QM ayaa sheegtay in dhaqaallo ahaan Xarakada bishii ay kasoo gasho gacansatada iyo goobaha ay maamusho lacag kor udhaafeyso 1.25 Billion taasine waa dhaqaallo xoog leh oo Xarakada ay ku wadi karto dagaallada ay kula jirto ciidamda shisheeye ayee sii raacisay hadalkeeda kooxdaasi qaabilsan sida lashegay la socodka Somalia.

QM ayaa xoog ku saaray warbixinta dhoofinta Dhuxusha oo ay shegeen in lacago fara badan ay kasoo galaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Waxa ay tilmaamtay QM in gacansiga Dhuxusha oo yahay midka ugu faaidada badan islamarkaasine dhaqaalo badan ay ka helaan gacansatada ka shaqeysa ama dhoofisa Dhuxush taasine waxa ay sababtay in xirir wanaagsan ay yeeshaan Xarakada iyo gacansatada Dhuxusha waana Khatar aan wajaheyno ayee siiraacisay hadalkeeda QM.

Sidokale Qm ayaa sheegtay in ciidamada loogu yeero Amisom, loo iibiyay Dhuxul gaareysa 52 tan taasine waxa lagu sheegay in cunno loogu karinaayo ciidamada African-ka ah ee jooga Muqdisho, hadalkaasine waxa oo u muuqday ee deen dusha laga saarayay ciidamada shesheeye.

Xafiiska ciidamada Amisom ee magalada Nairobi ayaa sheegay in ee deenta loo jeediyay aan waxba kajirin ,waxaano xafiiskaasi laga hago ciidamada African-ka ah oo sheegay in uu san xaqiijin Karin in Dhuxushaasi in ay ka timid magalada Kismaayo oo ay sheegeen in gacanta ay ku hayaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Warbixinta ayaa qeebaha danbe waxaa ay u muuqatay mid eedeen iyo dhaliillo leys kugu jeedinayay, waxana sidookale lagu eedeeyay in Amisom ay kaga iibsato Dhuxusha ashqaas xiriir la leh Xarakada sida ururka Al-itixaad oo ay ku sheegeen in oo ku dhowyahay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, taasine waxaa fursad dhaqaallo ayaa lagu yiri warka kasoo baxay kooxda la socodka Somali.

Ugu danbeen ayee sheegeen kooxda la socodka Somali in loo baahan yahay in lahelo xal ku aadan in laga xayiro dhaqaalaha u xarooda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, hadii lawaayane waa arin aniga jab noogu filan ayaana lagu soo gaba gabeyay warbixinta ay ku dheeh need walaac ay qabaan Qm ee ku aadan sii daba dheeraan shaha dagaallada lagula jiro Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.