Ciidamada Kenya oo ka dhabeeyay hanjabaadoodii Xasuuqayna Xoolo dhaqato ah oo dagaalada socda qeyb ka ahayn iyo warkii Afhayeenka ciidamada Kenya Emanual Chir Chir oo soo baxay.

Kadib dagaal aad u kharaar oo maanta duhurnimadii ay mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada Huwanta ah ee ku sugan furimaha dagaalka ee ay isku horfadjiyaan muslimiinta iyo gaalada, khasaare xooganna lagu gaarsiiyay cadowga Kenya ayaa waxaa lagu soo

waramayaa in dagaalka kadib ciidamada Kenya iyo xulafadeedu ay si bareer ah xasuuq ugu geysteen dad rayid ah oo xoolo dhaqato ah oo dhammaantood kasoo jeeda Beesha Sade Mareexaan.

Dadkan rayidka ah ee maanta la xasuuqay oo tiradoodu ay gaarayso sagaal nin oo dhalinyaro ah ayaa ahaa dad maato ah oo biyo ka dhaansanayey goobta uu dagaalku ka qarxay mana ahayn habayaraatee dad kamid ahaa kooxaha ay dirirtu ka dhaxaysay, waxaana lagu soo waramayaa in si ulakac ah loo bartilmaameedsaday dadkaan rayidka ah ayaga oo lagu eedaynayo in ay kasoo jeedaan beesha Mareexaan oo hadda ka hor meliteriga Kenya ay hanjabaad usoo jeediyeen.

Xasuuqaan maanta loo geystay dadka rayidka ah ee kasoo jeeda beesha Mareexaan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada Kenya ay sheegeen in aysan jirin beel ka mid ah beelaha daga Wilaayada Jubooyinka oo ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan.

Dilka dhalinyaradaasi ayaa waxay xiisad weyn ka abuurtay magaalada Kismaayo oo ka mid ah goobaha ay degto beesha Sade Mareexaan oo ay ka dhasheen wiilashaasi shuhadada ah, waxaana la isla dhex marayaa sababta Kenya ay u geystay dilkaasi fooha xun.

Afhayeenka ciidamada Kenya Emanual Chir Chir ayaa hadda kahor si cad u sheegay xili uu shir jaraa’id qabanayey in beesha Mareexaan ay garab istaagtay Mujaahidiinta ayna dagaal kala hortagi doonaan.

Dagaalkii maanta ayey Mujaahidiintu cadowga kaga gubeen Ilaa 3 gaari oo labo ka mid ah ay saarnaayeen qoryaha lidka diyaaradaha halka kan kale uu ahaa gaari nooca BG-ga loo yaqaano.