Taliska Ciidanka Afrikaanta Amisom ayaa sheegay inay kala dirayaan dhamaan Maleeshiyaadka somalida ah gaar ahaan kuwa ALAA SHEEKH & TARSAN.

Afhayeenka ciidamada shisheeye Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay kala diyarayaan maleeshiyo beeleedka  ee ku fashilmay in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ciidamo tiradooda lagu sheegay ilaa 600 ah oo kamid ah maleeshiyaadkaas oo dhmaantood ah maleeshiyaadkii ALAA SHEEKH iyo TARSAN kuwaas oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin amni xumida dhowrka xaafadood ee Xamar oo Amisom ka howl gasho.

Maleeshiyaadka ayaa  inta badan aan qaadan mushaar ayaa ku kaca falal iskugu jira dhac, dil, Kufsashada haweenka, waxaana laga cabsi qabaa in ciidamada Afrikaanta ee lagu wareejinayo magaalada Muqdisho ay sii laba kacleeyaan amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shisheeye oo ayagu lacago badan ka qaata beesha gaalada ayaa dhawaan magaalada Muqdisho u soo diray ciidamo Boolis ah kuwaasoo qaarkood la geeyey Saldhigyada qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Banaadir Post.