Xilli ciidamada xukuumadda Kibaki ay ku jabeen duulaankooda qar iska xoornimo ee ay ku damcayeen inay kula wareegaan magaalo xeebeedda Kismaayo ee dhacda koonfurta Soomaaliya islamarkaana amaanka gudaha ee dalkaasi uu faraha kasii baxayay dhaqaalo xumana ay hareysay bulshada dalkaasi ayaa waxaa soo baxaysa isku dhacyo beeleed oo dhiig badani ku daatay kuwaasi oo ka dilaacay bariga wadanka Kenya.
Inta la ogyahay 110 ruux ayaa ku geeriyootay 6,000 oo ruuxna way ku barakeceen tan iyo bishii aannu soo dhaafnay ee August isku dhacyo iyo dagaal beeleedyo hareeyay deegaanno dhaca gobolka Tana River ee bariga wadanka Kenya oo qiyaastii 420 Km u jira caasimadda wadankaasi ee Nairobi.
Gobolkaasi ay qalalaasuhu ka aloosanyihiin ayaa la sheegay inuu leeyahay qayraatyo kala duwan taasi oo keentay inay ku hardamaan maleeshiyo beeleedyo hubaysan oo doonaya inay mid waliba maamusho gobolkaasi, waxaana weriyeyaal si qarsoodi ah ku gaaray halkaasi ay sheegeen in maleeshiyaatkaasi ay siyaabo kala duwan maalgelin iyo taageero Militariba uga helaan siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Kibaki.
Waxaa lagu guuldareystay dhowr mar oo hore in la xaliyo mushkiladda halkaasi ka aloosan ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hay`adda lagu magacaaco International Crisis Group oo aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira ciidanka dowladdu ay soo dirto oo durba la safta mid ka mid ah maleeshiyaatka halkaasi isku haysta, taasi oo sii daba dheereysay dhibaatada.
Wadanka Kenya oo ka mid ah dalalka dhaca bariga qaaradda Afrika waa mid ka mid ah dalalka ugu musuq maasuqa badan waxaana taasi ay sababtaa daganaansho la`aan baahsan iyo dagaallo lagu hoobto oo dhexmara beelaha kala duwan ee ku nool dalkaasi.
Waxaa la xusuustaa xilligii ay socdeen ololihii doorashada xilligii ra`iisalwasaaraha loo dooranayay Raila Odinga inay isku dhaceen qabaa`il iyo taageerayaasha xisbiyada dalkaasi taasi oo keentay in dhowr saf loo kala baxo ka dibna Baangado iyo Faasas ay isku laayaan.
Sidaasi oo ay tahay ayaa xukuumadda Kibaki waxaa ay u muuqataa mid iska indha tiraysa dabka ka holcaya gudaha dalkeeda amaankiisu sii bur burayo islamarkaana bulshadiisu is gowracayaan waxaana taasi oo jirta ciidamo calooshood u shaqaytayaal la soo iibsaday kusoo hogaamisay wilaayaatka Jubbooyinka iyaga oo aaminsan inay qabsadaan Kismaayo ka dibna ay u galbiyaan Nairobi.
Taasi sababteeda ayaa xukuumadda Kibaki waxaa ay waysay boqolaal ciidamo iyo saraakiil laf dhabar u ah dalka Kenya, diyaarado dagaal iyo gawaarida gaashaaman, waxaana mudo sanad ku dhow kadib ay u muuqataa Kenya inay ku jabtay dagaalka islamarkaana ay garan la`adahay qaabkii ay kaga lug bixilahayd dhiiqada adage e ay ku jirto ka gadaal markii dagaallo aan waxba la isku reeban ay mujaahidiintu jilbaha ugu aaasteen, kaasi oo ilaa hadda ka holcaya dhulkii ay soo weerartay.
Xaqiiqooyin laga helay dhanka dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Kenay ay hadda yihiin kuwo go`doonsan oo horey iyo gadaal midna aanay u fududayn inay u laabtaan.
Isku soo wada duube xukuumadda Kibaki ee ciidamadeedu duulaanka ku soo qaadeen Soomaaliya dadkeeduna qabiil qabiilka isu laynayaan islamarkaana gudaha amaankeedu bur buray ayaa u muuqata ruux qaawan oo ruux kale ku leh dhar ayaan ku siinayaa!!!
XIGASHO RADIO ALFURQAAN.