Dawladda Mareykanka ayaa ku guuleysatay inay Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed iyo Nabad-sugidda ku qasbaan in laga bilaabo usbuuca soo socda,Masaajidyadda Magaaladda Muqdisho la geyn-doono Ciidamo Booliis ah oo talaabo culus ka qaadi doono,Wadaadkii iyo Iimaankii isku-daya inay dadka ku tujiyaan Aayadaha-Jihaadka Qur’aanka ku jira ee ka shakeeynaya,qofka Mujaahidka ah hadii uu dhinto inay Janadda ugu diyaarsan-yihiin Xuural-ceyn,lana dhihi karin qofkii Jihaad ku dhinta,wuu geeriyooday,waayo ma dhiman ee Ilaah agtiisa ayuu joogaa.
Ahfayeenka Ciidamadda Booliiska Xasan Bariise iyo Qaliif Axmed Eric ninka Moqdisho u qaabilsan nabad sugida ay shegeen in Masaajidyadda Muqdisho ciidamo la dhigi doono,lana socda Aayadaha-Jihaadka laga aqrinayo masaajidyada.
|Arintani waxay sababi doontaa kacdoon dadweyne,iyadoo la ogyahay maalmahan in mudaahaaradyo hareeyay Caalamka islaamka looga soo horjeedo aflagaadadii Diinta islaamka iyo Nebi-Maxamed (CSW)loo geystay, aysan moqdisho ka dhicin haba yaratee wax banaanbax ah oo lagu muujinayo dareenka dadka moqdisho,banaanbaxyada ayaa ka dhacay meelo kooban dhulka Somaliyeed inta badan dhulweynaha XSHM ka arimayaan iyo magaalada Buuhoodle oo waqooyiga Somaliya ku taal oo ay ku nool dad Ansaar ah.
Banaadir Post.