Axmed Cabdi Salaan ayaa dhawaac ku gaaray Dhuusamareeb Qaraxii 01/05/12 ka dhacay ,waxaana ku dhinta rag kale oo beeshiisa ahaa kuwaas oo maamul goboleed howshiisa u joogay goobta qaraxu ka dhacay,maamul gobolaadkaas ayaa ahaa mid Itoobiya ka rabtay gobolada dhexe oo barigaas ay gacanta ku hayeen Suufiyada ama Qabuurogaleenkii gobolada dhexe oo hada iska kala cararay,sababo badan oo is kaashaday awgood.
Axmed ayaa aad u xanuunsanaya gaar ahaan xaga araga aad wax uma arko, sidaas daradeed caafimaad ahaan ma awoodo inow siyaasada sii ahaado,waxaa kale oo meesha ka baxay ninkii ay saxiibka isku dhow ahayeen ee Meles Zanawi “FIRCOONKII GEESKA AFRIKA” oo ilaahay dhaafiyay ka auga raaxeeyay qowmiyada muslim ka ah ee ku nool geeska Afrika oo dhan.
Waxaa kale oo meesha ka baxay maleeshiyaadkii Suufiyada oo ugu badanaa beeshiisa kana howl gali jiray dhowr magaalo Galgaduud ah,waxayana ku kala tageen dhaqaalo xumo,Itoobiya oo jabtay gobolkaas ,arimo qabiil,siyaasad xumo,waxayna hada intooda badan iibsadaan hubkooda,waxayna ku dhamaadeen Galmudug.
Axmed Cabdi Salaan muuqata mudo ku sii jiri doono Isbitaal maxaa yeelay weli mahan nin isku filan.
Banaadir Post.