Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Col. Maalin ayaa sheegey in uusan garanaynin shaqada ciidamada Booliska ee AMISOM ee caasimadda la keeney!

Taliyaha ciidamada Police-ka gobolka Banaadir Col. Maalin ayaa sheegey in uusan fahmin aqoon  shaqada ciidamada Police-ka ee AMISOM ee caasimadda loo keeney.

Waxa uu sheegey in aysan wax wadashaqayn ah ka dhaxaynin, islamarkaasina aysan jirin wax ay ka caawiyeen.

Waxay dhibaato ku qabaan sidii ugu dhex socon lahayeen waxa kale oo ay dhib ku qabaan ma kala yaqaanaan dadka ku nool Moqdisho oo ah magaalo  dhib badan.

Markii la keenay kuwan lagu sheegay inay Boolis yihiin waxaa shaqada laga ceyrshay ciidamo badan oo Somali ah oo markii horeba aan haysan Mushaar joogta,hadana la imaan kara amni xumo iyo fowdo hor leh.

Bolice-ka AMISOM ayaa  la sheegay in  Moqdisho loo keeney in ay gacan siiyaan saldhigyada 16-ka degmo, iyadoo warar aan horey u faafiney kaga faalooney shaqooyinka ay la qabanayaan Bolice-ka Soomaaliyeed, laakin ma dhicin!

Waxaa ninkan ka muuqanay in dhibaato hayso laakin uusan aqoon sida xal loo heli karo,waxaa magaalada Moqdisho ku soo badanaya Jidgooyooyinka ama Isbaarada ay dhigayaan kuwa lagu sheegay inay yihiin Ciidamo!

Qaraxyo Shalay Moqdisho ruxay dadna ku dhinteen ayaa ilaa iyo hada la aqoon cida ka danbeysey ama fuisey!

Banaadir Post.