Wararka naga soo gaadhaya magaaladda JigJiga ayaa sheegaya buuq badan in uu ka jiro magaalada JigJiga kaas oo salka ku haya kala shaki aad u weyn oo soo kala dhex galay gacanyarayaashii gumaysiga oo uu horjooge u ahaa Abdi Illey.
Wararku waxay intaas ku darayaan in qofba qofka kale farta ku fiiqayo in uu ka dambeeyay fashilkii weynaa ee ku yimid Itoobiya kaas oo ay daaha ka qadeen Wariyaashi u dhashay dalka Sweden oo mudo dheer ku xidhnaa xabsi.
Dhanka kale warar hordhac ah oo aan wali la xaqiijinin ayaa sheegaya in wakiilka gumaysiga Itoobiya la badalayo loona aanaynayo in lagu badalo Abdullahi Itoobiya taas oo lasheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ee ku sugan Ogaadeenya u shegeen Abdi Illey in uusan ka hadli karin xilku sheega ay horaan u dhibteen.
Isku soo wada duboo kala shakigan ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay oo midba midka kale ka shakisan yahay.
Shukri Buli
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com
eenya
qorahay99@yahoo.com