Waxaa xalay dagaalo xoog badan dhexmareen Maleeshiyo beeleedka Baledweyne”NEW POLICE” kuwaas oo hoostaga Dagaaloogayaasha soo horkacay Ciidamada Xabishida oo xooga ku jooga Beledweyne.
Waxay isku farasaareen gudaha magaalada iyagoo isku haysta hab beeleed aan la ogeyn waxa salka ku hayo,waxay iska dileen maleeshiyaad iyo kuwa badan oo dhaawac ayaa saakay lagu isbitaalada magaalada Beledweyne.
“Ma jirto cid kala dhex gashay iyaga ayaa kala tagay markii ay isku riiqmeen” waxaa yiri dadka reer Bleledweyne oo aad u nacay kuwan arxanka daran.
Dad reer Beledweyne ayaa xiiso u qaba inay dib u arkaan RAAYADA TOWXIIDKA oo magaalada dhex suran taas oo amni iyo naxariis la jiraan.
Banaadir Post.