Madaafiic Qasaaro lixaad leh dhaliyey oo xalay Saqdii dhexe lagu garaacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka magaalada Muqdisho, Iyo Tuhunno laga qabo ciidamada Amisom ama Maleeshiyaad gadoodsan Beel ahaan iyo Welwel soo foodsaaray Shacabkii degganaa Xaafadahaas.

Madaafiic xalay lagu garaacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa Inta la og yahay waxa ku geeriyooday 6 Ruux oo sida la sheegay ay ku jirtay Haweeney Umul ah, Iyadoo tiro intaas kabadanna ay ku dhaawacantay,  Waxana la sheegayaa in Madaafiicdaas qaar kamid ah ay ku dhacday Kaam ku yaalla degmada Boondheere oo lagu magacaabo Buulo maqaar oo ay deggan yihiin Dad Qaxooti ah, Halkaasoo qasaaraha ugu badan uu ka dhacay.

Weli macadda halka ay kayimaadeen Madaafiicdaas, Iyadoo sidookalena aaney jirin cid sheegatay Madaafiicdaas Hoobiyaha ah ee lagu garaacay Xaafadaha Muqdisho qaarkood xalay Saqdii dhexe, Waxase jira Tuhunno badan oo Shacabka Xaafadahaas la rusheeyay deggan ay qabaan, Waxana ay Dadkaasi ka cabsi qabaan in Ciidamo ka tirsan DKMGka ah oo qaab Siyaasadeed u gadoodsan ay madaafiicdaas ka dambeeyaan, Iyagoo dadkaasi uu soo wajahay Welwel ku saabsan in Madaafiicdaasi Habeen walba lagu soo garaaco.

Lama oga ilaa iyo hadda halka ay sida rasmiga ah uga soo dhaceen madaafiicdaasi qalqalka iyo cabsida galisay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmooyinka Boondheere iyo Shibis.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee ku soo duulay dalka Soomaaliya ayaa looga bartay inay xiliyada habeenkii waqtiyada qaar madaafiic indha la’aan ah oo aan la ogayn jihada ay ku ridayaan ay ku garaacaan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyagoo marar badan horay dad shacab ah ay ugu xasuuqeen madaafiic noocaan oo kale ah oo habeen barkii ay iska tuuraan.