Tan iyo markii dowlada KMG lagu soo dhisay wadanka Kenya ayaa waxaa siyaasada Soomaaliya si aad ah kaga dhex muuqday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ee dowladii KMG ahayd.
Shariif Xasan waxay isku dhaceen masuuliyiin badan oo ahaa madaxdii wadanka hogaaminaysay laakiin mar walba nasiibkiisu wuxuu noqonayay in hadafkiisu uu guuleysto markastana dhinaca uu isaga raaco ay arinta u dambeyn jirtay.
Sanadii 2006-dii Shariif Xasan waxay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, waxayna taasi ay keentay in uu wadanka isga cararo isla markaana uu sal dhig ka dhigto magaalada Asmara ee wadana Eritrea, halkaasi oo ay markii danbe ay ku midoobeen isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayay oo ku xirtay saraakiishii midowgii maxkamadaha Islaamka ee ka dhisnaa Muqdisho kuwaasoo dagaal kala hor yimid dawladii madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Intaa ka dib Shariif Xasan wuxuu mar kale ku soo laabtay in uu si aad ah kaga soo dhex muuqdo mar kale siyaasada Soomaaliya ka dib markii magaalada Jabuuti lagu soo dhisay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Shariif uunaka noqday wasiirka maaliyada sagaal bilood kadibna uga talaabay xilka gudoomiyaha baarlamaanka oo mar labaad uu ku soo laabtay.
Saddex Sano oo ay dowladaasi shaqaynaysay ayaa Shariif Xasan oo ay markii danbe ku dhagtay naanaysta ah “Shariif Sakiin” wuxuuna ahaa nin uusan calankiisa damin isla markaana miisaan wayn ku lahaa siyaasadda dowlada iyo dhaqdhaqaaqyada madaxda sare oo dhan.
Shariif Axmed iyo Shariif Xasan
Intii uu shaqaynayay waxay isku dheceen masuuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha iyo waliba Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu dambeyntiina labadooda [Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan] ay ku guuleysteen inay meresha ka saaraan Raysul wasaarihii xilligaasi Farmaajo.
SaameyntaShariif Xasan waxay ahayd mid markasta jirtay si fiicana uga dhex muuqatay xafiisyada sare ee dawlada heer ay dadka dhan wada arkeed heer awooda iyo saameynta Shariif Xasan ku leeyahay dawlada oo dhan. Waxaana dhacdooyinkii yaabka lahaa ka mid ahaa markii uu Shariif Xasan booqasho ku tagay wadanka Iiraan uuna la kulmay madaxweynaha Iiraan Axmedinejad halkii wasiirka arimaha dibadda uu shaqadaasi yeelan lahaa.
Ugu Danbayntii wax kasta oo ay soo martaba, saameynta Shariif Xasan waxay ku soo afjarantay codeyntii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo jagada gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha u doortay shakhsiyaad ku cusub [28 August 2013 iyo 10 September 2012] siyaasada iyadoo baarlamaanka fashiliyey qorsihii labada Shariif oo isku dhinac ahaa ay ku doonayeen inay siyaasada ku soo laabtaan.
Faarax Sakiin Mise??
Faarax Sheekh C/qaadir, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka horna wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay dhismaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee uu ka soo galay madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadda. Waa ninka ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Waana sababta keentay in durba loo arko in Faarax uu u dhaqmayo si la mid ah sidii Shariif Xasan.
Faarax wuxuu si joogto ah uga qeybgalaa kulamada madaxweynuhu la yeelanayo qufuuda caalamiga iyo siyaasiyiinta, xitaa waxaa la sheegayaa inuu wax badan ku leeyahay go’aanada uu qaadanayo madaxweyna iyo waliba waxyaabaha uu ka hadlayo.
Faarax hadda wuxuu daganyahay xarunta madaxtooyada waxayna madaxweynaha cusub ay wada qaataan waqtiga ugu badan, waxaana uu ka war haayaa talaabo kasta oo uu madaxweynuhu uu qaadayo iyo kulamada uu madaxweynuhu la yeelanayo wafuuda u imaanaysa.
“ilaa iyo iminka ma fahmi karno sida ay wax u socdaan Xasan Sheekh waxaa jooga Qolafkiisa laakiin talada waxaa wata dad kale, waxaana sugaynaa wixii ay keenaan”sidaa waxaa yiri qof ka tirsan Xisbiga Nabada iyo Horumarka.
Faarax waxaa uu shahaadada koowaad “bachelor degree’ ka heystaa culuumta Islaamka. Dhanka khirbadiisa waxaa uu in badan ku jiray saaxadda tacliinta iyo hay’adaha gargaarka laakiin dadka yaqaana waxay ku sheegaan inuu yahay nin aad u fekera, inkastoo afkaarta uu xambaarsan yahay aysan ka fogeyn mabda’a wadaada ISLAAX. Arimahan ayaa la dhihi karaa waa kuwa uu Faarax C/qaadir kaga duwanaan karo Shariif Xasan.
Saaxiibada yaqaana Faarax waxay rumeysan yihiin in xitaa magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka uu aad ugaga mashquul badan yahay madaxweynaha oo uu yahay ninka marka ugu horeysa dhadhamin doona shakhsiga la soo xulo ka hor inta aan loo geyn madaxweynaha.
Si kastaba waxay dadku iswaydiinayaan maadaama talooyinka heerkaasi la eg ee madaxtooyada uu shakhsigan saameyntaas ku leeyahay ma wuxuu noqon doonaa Faarax Sakiin Mise Faarax Daacad??? waxaase jawaabta loo deyn doonaa waqtiga!!!
XIGASHO RAXANREEB-RBC.