Ciidamadan oo tiradooda lagu sheegay illaa 100 xubnood isuguna jira rag iyo dumar waxayna bedeli doonaan maleeshiyaadkii Somalida ahaa oo inta badan Mushaar la’aanta ahaa dadkana baaran jiray, walow ay ku jireen qaar badan oo shaqadooda ku fiicnaa hadaana dhamaantood suuqa lagu loo diray,waxaana laga cabsi qabaa waxa ka imaan kara.
Ciidankan Boolis ah ayaa qaadan doona lacag adag sida kuwii iyaga ka horeeyay lacagtaas inteeda badan waxay ka soo bixi doontaa ilaha dhaqaale oo somlido leedyahay sida Dekada iyo Garoonka oo hada beesha galaado gacanta ku haystaan!
Gayiga Somaliyeed ayaa mid gabi ahaan lagu soo duulay, waxaan cadeymahaas ka mid ah in boolis la keeno dal la yiri dowlad ayuu leeyahay.dabcan malaha.
Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra ayaa sheegay in ciidamadan ay noqonayaan qeybtii labaad ee booliska AMISOM oo Muqdisho yimaada, waxaana ka horeeyay illaa 200 askari oo boolisah oo ka socda wadanka Uganda kuwaasoo horey u yimid Muqdisho.
Banaadir Post.
Towga ama gariga ciidanka Amisom oo kor maray wiil yar oo somali ah ka dib goobta kaga tagay, mana jiro qof mas’uul ah oo somaliyeed oo arinkaas soo hadal qaaday.