MAXAA LOO XIRAY, YAASE XIRAY WARIYE IBRAAHIM JEEKEY?

Wariye Ibraahim Jeekeey oo ahaa tabiye mudo dheer ka soo shaqeeynayay
saxaafada soomaalida qeybweyn ka qaatay tabinta muuqaaladii iyo
dhacdooyinkii ugu kululaa ee gudaha soomaaliya.

Ibraahim Jeekeey oo wayadii danbe la shaqeynayay Universal Tv ahaana
Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Africa sidoo kalana ahaa soosaare iyo
Tabiye ayaa maalinamaddii 15kii bishii Sebtembar 2012 ay ciidamada
booliska gobolka Banaadir ay xabsiga dhexe u taxaabeen iyada oo ay ka
qabteen gurigiisa.

Arinta xariga Wariye Jeekey ayaa loo eedaynayaa inay tahay kadib
markii booskii IBRAAHIM JEEKEY loosoo magacaabay Agaasime cusub oo
reer London ah C/dullaahi xirsi.

C/laahi xirsi oo haatan loo magacaabay booskii Ibraahim jeekey oo
saxaafada iyo dadka soomaalidu aysan horay u qoon ayaa la sheegay
inuusan wax shaqo ah horay uga qaban saxaafada iyo warbaahinta
soomaalida uusan ahayna suxufi.

Claahi xirsi wuxuu ku noolaa dalka ingriiska shaqadiisuna wax ay ahayd
darawal/Shifeer basaska dadweynaha magaalada London.

Laakiin wararka ayaa sheegaya inay magacaabista C/laahi ay ku
aadantahay dalabka Barnaamijwadihii DOOD WADAAG Cawil Daahir Salaad
iyo maamulka Ururka cilmi baarista CRD oo uu madaxda ka yahay Jabriil
oo isna ay isku hayb iyo Jufo yihiin ninka lasoo magacaabay iyo Cawil
Daahir Salaad.

Sedexda nine ee isku Jufada ah CAWIL, JABRIIL IYO CABDULAAHI ayaa ka
wada shaqeyn jiray barnaamijka DOOD-WADAAG sidoo kalana Ururka CRD ee
uu madaxda ka yahay Jabriil ayaa horay u maal galiyay barnaamijka
DOOD-WADAAG Waxaana lagu wadaa in wada shaqeynta u dhaxaysa sedexda
nin ay sii xoogoowdo hadii C/laahi xirsi lagu badelo wariye Ibraahim
jeekeey.

Ibraahim jeekeey ayaan mido dhowr bilood ah aan la siin mushaar inta
aan lasoo magacaabin agaasimaha cusub ee ka yimid London taas oo ila
xog ogaal ah ee ka soo baxaya shaqaalaha xarunta Universal ee Muqdisho
oo diiday magacyadooda ay sheegayaan ayaa tilmaamay inay sababtay
xariga wariye JEEKEEY is qab qabsiga isbedelka xafiiska Universal ee u
dhaxeeya qolada cusub iyo mulkii hore.

Dhanka kalana wararka ayaa sheegaya in ciidamada boolisku aanay baarin
maxkamadna aysan go’aamin dacwada iyo sababta loo xiray wariye
Ibraahim jeekeey.