Ictisaamku ma Islaax bey ku Biireen? Mise Qabyaalad baa Jirta? See ku Garteen Bashiir Salaad iyo C/Raxmaan sh. Cumar in la Dooranayo Xasan sh. Maxamuud? DHAGYESO C/Raxman Sh Cumar oo hadlaya

Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato:- Bilo kama soo wareegin markii Bashiir Axmed Salaad bilaabay maanafeestadiisa ku aaddan Jamaacada Ictisaam! Isagu Manhaj buu ugu yeeray! Bashiir Salaad isagoo Addis Ababa jooga kal hore buu soo diray tahniyad ku aaddan in Shabaab ka baxeen Xamar oo Amisom la wareegtay fariisimahoodii! Kaddibna waa tuu lahaa: waxaan Shabaab kula talinayaa inay ka baxaan gobollada dalka oo dhan si dowladdu (gaalomadowdu) ula wareegto!

 

Waqtigaas laga soo bilaabo Bashiir Salaad kama sheexin inuu kasoo dhex muuqdo odayaashii soo xulayey xubnaha baarlamaan-ku-sheegga ee sii doortay Xasan sh. Maxamuud! Waan ogayn inuu u raacay Turkiga. Ogaada, Bashiir Salaad iyo Ictisaamka ku fikradda ah waxay dadkaas ku caawiyeen inay dastuur dad dejiyey wax lagu xukumo! Qof kasta oo caamo ah waa ogyahay dambiga arrintaas iska daa qof diin yaqaane!

 

Waa kuma C/Raxmaan sheekh Cumar?

Waxaan marar badan soo qornnay oo idin tusnnay sawirradii isagoo u taagan heestii Dr Cabdi Ismaaciil Samatar ka qaadayey xaflad lagu diidanaa C/Laahi iyo Tigreega! Heestaas waxay ahayd:

Diidnaye ogoow

Dalkayga ninkii doonahayawoow

Inuu duusiyo raboow

Annagu diidnaye ogoow!

Dadkii rabay inay duudsiyaan Soomaaliya ma C/Laahi Yuusuf bay raaceen? Aaway Samatarro? Diidmada Samatarro iyo Ictisaam ee C/Laahi iyo Tigreega waxay ahayd mid dan laga lahaa ee ma ahayn mid qaran ama diin! Markaas C/Laahi Yuusuf waxaa loo qabtay Soomaaliya oo dhan marka laga reebo Somaliland! Waxaan idin maqashiinnay codkii C/Raxmaan sheekh Cumar oo diiddan C/Laahi iyo Tigreega! Codka ina sheekh Cumar waxaa ku jiray:

Itoobiya ma dooneynno! Itoobiya hanaga baxdo! Dhulkayga hanooga baxdo!

Markaas wadaadka waxaa saarnnaa xannibaad xagga safarka ah khaasatan inuu diyaarad raaco! Magaalooyinka uu saas ka leeyahay waxaa jooga taageerayaasha ugu badan ee C/Laahi Yuusuf! In badan oo ah dadka ku dabo tukada ah ayaa taageersanaa C/Laahi Yuusuf; saasooy tahay wuxuu doortay inuu kala taageero siyaasiyiinta gaalomadowda hoos jooga! Taageerayaasha korneylkuna waa kuwa Soomaali ugu liita oo waa oran waayeen ilaa hadda inay dhahaan: see imaam noogu noqoneysaa haddaad siyaasiyiintii Soomaaliya qabiil ama koox ahaan ku kala taageertay! Waxa shilimada isaga iyo Dhooye ka aruursadaan waxaa ugu badan qolyaha Puntland ka soo jeeda! Wuxuu Xajka u wadana iyagaa u badan!

Waxaa dadka ka yaabiyey waa iyadoo safiirkii Maraykanka u fadhiyey Kenya la geliyey dhismaha masaajidka Abu Bakar As-Sidiiq ee ku yaal Minneapolis, Minnesota, USA! Safiirku wuxuu si toos ah u leeyahay: waxaan isku xirayaa wadaaddadaas iyo kuwa Xamar jooga! Isla markiiba waxaa C/Raxmaan sh. Cumar laga qaadday xannibaaddii saarnayd kaddib markuu keenay safiirka masaajidka? See masaajid Ilaahay loogu qaban karaa kulan loogu tashanayey in diinta Islaamka lagula dagaalo! Waxaa la-yaab leh waxaa weli masaajidkaas guddi ka ah nimanaas jawaasiista ah!

Waxaa la arkay C/Raxmaan sh. Cumar oo tagay Nairobi kuna biiray wadaaddadii u hambalyeey is-dhiibiddii Ibraahim-dheere! Waxaa la sheegaa in safiirka iyo wadaadkaas ay is bareen qaar ka mid ah wadaaddo caan ah oo Kenya jooga! Ma xaqiijin karnno wadaaddadaas ashkhaas ahaan kuway yihiin laakiin tuhunku waa jiraa waana caddahay siday wadaaddadaasi uga soo horjeedaan Jihaadka ka socda Soomaaliya!

Waxaa ku xigtay sidaan sawirrada idin ku tusnnay isla imaamka masaajidka – C/Raxmaan sheekh Cumar- oo soo dhoweynaya wakiilkii Zenawi ee Soomaali Galbeed, Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Iley)! Maxaa iska galay imaam iyo soo-dhoweynta nin u shaqeeya Zenawi? Waa uun mu’aamaradii safiirka oo kale! Marar badan baa wafti Somaliland iyo Puntland ka socda tageen Minnesota; ma jirto hal mar ah oo ninkaas iyo Ictisaamka kale soo dhoweeyeen wufuuddaas! Nimanka kabaha u qaada C/Raxmaan sh. Cumar in badan oo ka mid ah waxay ka soo jeedaan Puntland! Saasooy tahay kuma dhacaan inay qaabilaan wafti Puntland ka yimid halka ina sheeekh Cumar u kaxeeyey inay soo dhoweeyaan Cabdi Iley! Waligiin dullinimo noocaas ah ma aragteen? Kabo-qaadka Puntland waxay la mid yihiin shimbirta tusaalaha loogu soo qaato doqonnimada! Shimbirtaasi inta ka tagto ukumaheeda bay ku fariisataa ukumaha shimbiraha kale! Waa la fahmi karaa qabyaaladda ah inaad reer tolkaa u eexato laakiin weligay ma arag qabyaaladda kabo-qaadka Puntland sameeyaan ee ah: inta ka faanaan soo-dhoweynta waftiga Puntland inay soo dhoweeyaan wakiilka Zenawi! Sawirradii waa heynnaa ay ku soo dhoweeyeen ina Iley!

Waxaa ku xigay Bahuko oo qiray inay jiraan wadaaddo la shaqeeya Amison laakiin uu diiday inuu magacyadooda sheego isagoo ku sababee ye y arrin la xiriirta xagga ammaankooda! Wuxuu yiri: haddaan magacyadooda sheego; berriba waa la dilayaa! Markiiba waxaa loo gartay inay yihiin Ictisaam iyo Islaax maxaa yeelay Suufiyadu waxay dagaal kula jireen Shabaab oo ma qarineyn magacyadooda! Marar badan baa codka Bahuko waxaa na maqashiiyey Idaacadaha Islaamiga ah iyo Golaha Baraarugga Islaamka.

Waxaa kaloo jirtay in wadaaddada Nairobi joogaa difaaceen is-dhiibiddii Ibraahim-dheere. Waxaa jirtay in Itoobiya u fidisay casuumad Ictisaam si ay uga qeyb galaan mu’tamar ka dhacayey Jigjiga! Waxaa tagay, saan idin ku tusnnay sawirro badan kal hore, wadaaddo ka yimid Puntland, Somaliland, iyo Bariga Afrika! Waxaa shir guddoomiyey wakiilka Zenawi, Cabdi Iley! Waayadaas ka hor; ninka ugu weyn Ictisaamka jooga Nairobi wuxuu sheegay inaan la isku tagin Shabaabka iyo Amisom! Waxaad wadaadka mooddaa gabyaa Laangarre oo ka hadlaya Ingiriis iyo Jarmal oo leh:

Maxaa labo gaal

Oo abtirsiinyo gudboon

Midna aan gar u siin

Midna aan u guhaadin?

Kaddib booqashadii safiirka Maraykanka ee masaajidka, tii Cabdi Iley ay Ictisaamku ku qaabileen Minnesota, iyo is-dhiibiddii Ibraahim-dheere waxaa Ictisaamku bilaabeen dacaayad lagu qaaday Mujaahidiinta iyo sheekh Xasaan ilaa aan wada ognnahay meesha arrintu gaartay! Markaan sheegnnay khiyaamadii ka dhacday masaajidka Abu Bakar; sheekh Umal baa difaacay sheekh C/Raxmaan isagoo leh: waxaa la ii sheegay inaan halkaas looga hadlin wax ku saabsan Soomaaliya iyo la-dagaalka Mujaahidiinta! Sheekhaas caanka ah baa iskaga hadlaya ku-tiri-ku-teen! Waxaan sanka ka gelinnay fiidyoow si toos ah safiirku u sheegayo dagaal ka dhan ah Mujaahidiinta iyadoo la rabo in Ictisaamku ka qeybqaataan! Ma war baa ka nool! Sheekh Umal maalintaas baa cimaamaddu ka dhacday! See sheekhu uga hadlay wuxuusan ogayn? Wadaaddadaas ilaa hadda lagama hayo inay difaacaan Nabi Muxamed (SCW) halka ay difaacayeen nin diinta Islaamka shirqool u maleegayey! Ama kaniisadihii Gaarisa lagu qarxiyey! Kollay Jumcihii u dambeeyey Maxamed Idiris baa ka hadlay difaaca Nabiga (SCW)!

Waa tii wadaadka u weyn Ictisaamka Puntland furay shirkii Garoowe lagu qabtay ee Soomaali lagu gumeysanayey! Wadaadkaasi wuxuu khudbadiisa ku sheegay in nimankii meeshaas fadhiyey sida Caalin, Faroole, labo Shariif, C/Weli, iyo Mahiga oo u sarreeyey ay mas’uul ka yihiin dadka, Ilaahayna uga baqaan! Wadaadku ma oran: dastuurka aad ka hadleysaan waa xaaraan ee ka jooga! Dadku waxay u qaadanayaan in Mahiga iyo wuxuu sii xukumo yihiin dad sharci u heysta xukunka Soomaaliya; waana jahwareerin shacab!

Waa tii dhowaan ay Golaha Baraarugga Islaamku sheegeen in imaamka masaajidka Abu Bakar ee ku yaal Minneapolis shir la qaateen Amisom iyo kooxo kale! Waxaan idin maqashiinnayaa sheekh C/Raxmaan sh. Cumar oo qiranaya inay la shireen Xasan sh. Maxamuudkan hadda la doortay, ka hor intaan la dooran, kulana dardaarmeen in markuu noqdo madaxweyne la yimaado karti iyo hufnnaan! Ma jiro qof wax ka qora Soomaaliya ama suxufi ah oo is lahaa Xasan sh. Maxamuud baa madaxweyne noqonaya! Wax laga yaqaannaa iska yaraa! See C/Raxmaan sheekh Cumar ku ogaaday inuu madaxweyne noqonayo ninkaasi dabadeedna Bashiir Salaad iyo isagu ula dardaarmeen? Halkaas waxaa ka cad in Ictisaamka qaarkood la shaqeeyaan Amisom iyo Beesha Gaalada sida Bahuko sheegay! Waxaa cad in Bashiir Salaad iyo C/Raxmaan sh. Cumar ogaayeen in Xasan sh. Maxmuud soo baxayo. Hoos ka dhageyso codka C/Raxmaan sh. Cumar.

C/Raxmaan sh. Cumarkii aan soo sheegnnay inuu ka hor yimid C/Laahi Yuusuf oo loo qabtay Soomaaliya marka laga reebo Somaliland baa la arkay isagoo Shariif sheekh Axmed ku soo dhoweeyey USA! Markaas Shariif Sh. Axmed wuxuu hoos joogay Amisom oo heysatay dhowr xaafadood oo Muqdisho ka mid ah! Wuxuu wadaadku difaacay Shariif sheekh Axmed oo caayey masaajidda markuu Shariifku yiri kalmaddii xumeyd ee uu ku lahaa: in waalidiintu iska jiraan ilmahooda maskaxda looga wasakheynayo masaajidda! Masajidka la heysto waxaa joogay C/Raxmaan sh. Cumar; isagii baana Shariifka difaacay!

Ogaada, Dul Xijah 1426 oo ku beegneyd bilowgii Jannaayo 2007 waxaan goob joog ka ahaa kulan ay iskugu yimaadeen wadaaddada ugu caansan Puntland oo uu ku jiray Allaha u naxariistee Dr sheekh Axmed Xaaji C/Raxmaan. Waxaa sheekh C/Qaadir Nuur Faarax la weydiiyey waxa laga yeelayo C/Laahi Yuusuf oo loo qabtay waddanka Soomaaliya? Sheekh C/Qaadir wuxuu yiri: waa in laga hortagaa “Muqaawamo Shariif ah!” Micnuhu waa halala jihaado! Waxaa cad in sheekh C/Qaadir markaas u arkayey in C/Laahi Yuusuf gaal yahay! Hadduusan saas arkeyn; muxuu ku banneeyey in lala jihaado? Isku qaab baa loo doortay C/Laahi iyo Faroole in kastoo tan C/Laahi Yuusuf ka weyneyd tan Faroole marba hadduu C/Laahi sheeganayey madaxweyne Soomaaliyeed! Waxa la weydiiyey wuxuu ka wado Muqaawamo Shariif ah? Wuxuu ku sheegay in dadweynaha laga ilaaliyo xabadaha! Wadaaddadii meesha fadhiyey ma jirin cid arrintaas ku diidda! Sheekh C/Qaadir wuxuu hadda diidan yahay in lala jihaado isla Tigreegii, Amisom, Kenya, Shariif sh. Axmed, iyo Xasan sh. Maxamuud? Maxaa is beddelay? Wadaadku ma C/Laahi Yuusuf keliyuu la dagaalsanaa?

Haddeer wataas Bashiir Salaad hambalyada u diray Xasan sh. Maxamuud! Horay waxaa hambalyadii Mursi diray Axmed C/Samad; maxaa Axmed C/Samad ugu hambalyeyn waayey Xasan sh. Maxamuud? Sidoo kale waxaa shabakad Ictisaamku leeyahay soo gaaray hambalyo ka timid C/Raxmaan sheekh Cumar oo jooga Minnesota! Maxaa gooni ah oo ka galay Xasan sh. Maxamuud? Xaflad lagu soo dhoweynayo Xasan sh. Maxamuud oo dhowaan ka dhici doonta Minnesota waxaa agaasimay C/Raxmaan sh. Cumar iyo saaxiibkiis Shaafi! Codka C/Raxmaan dhageyso markuu leeyahay hala soo dhoweeyo Xasan sh. Maxamuud!

Waxaan hubaa in masaajidka ninkaasi imaamka ka yahay yahay Masjidu Diraar ilaa dadweynahu iska ceyrinayo guddiga masaajidkaas – masjidka Abu Bakar ee ku yaal Minneapolis! Maxaa sidoo kale Ictisaam is dhiibay dabada u gashadeen masaajidka Ibnu Taymiyah ee ku yaal Columbus, Ohio?

Haddaysan Ictisaamka Puntland iyo kuwa Nairobi jooga ka hadlin arrintaas waxaa loo qaadanayaa in Ictisaam ku biireen Islaax! Ama aysan ka hadli karin madaxweynayaasha qabiil gooni ah! Mise Axmed-madoobe iyo Faroole dartiis baa indhaha looga laabtay waxa labadaas wadaad sameynayaan?

Soo-dhowaanshaha huwantu ku soo dhowaatay Kismaayo darteed baad mooddaa in Ictisaamkii la soo baxeen wajigoodii saxda ahaa dabadeedna ku biireen ama ka dareen Islaax iyo dagaaloogayaashii iyagoo hadda uga horreeya hambalyada dastuur dad dejiyey! Waa arrin lid ku aha Caqiidada iyo Manhajka Ictisaamku qirteen!

Sidoo kale hadday jiraan cid Mujaahidiinta ku dhex jirta ee is qarineysa ayagaa dhowaan u soo baxaya bannaanka marka gaaladu magaalooyin qabsato. Xaggeyga, hadday Mujaahidiintu samraan, haddeer buu Nasrigu u dhow yahay insha Allaah! Deked iyo Kismaayo la qabsaday micno weyn ma leh marka la eego mabda’a la xambaarsan yahay. Qofkii u qaba in Mujaahidiintu waayayaan waxay cunaan haddii Kismaayo la qabsado; ha fiirsho sida culumada qaarkood noogu soo qaadaan Aayadda ah:

 

وَفِي السَّمَاءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ

Sida horay loo sheegay, hadday dhacdo in Kenya iyo huwantu gesho Kismaayo, gelitaanka Kenya iyo kuwa u khidmeeya baa soo dedejin doonta dhimashada Axmed-madoobe iyo saaxiibbadiis! Qabiillada Soomaaliyeed waa is yaqaannaan! Marka Mujaahidiintu iyagoo bad qaba ha fiirsadeen iyadoo la isku galo Kismaayo!

Sidoo kale, xaggeyga, arrintu hadday u egtahay Axzaab ama markii Nabigu (SCW) geeriyooday ee Carab badan ridowday! Waxaa isku soo haray miiddii! Imisaa u dhaxeysa baqdintii ku dhacday reer Madiina markii Carabtu ridowday iyo qabsashadii Dimishiq, Xalab, Quddus, Xiira, iyo Madaa’in? Haddeer baan bilaabeynnaa aasaaskii dowlad Islaami ah oo hanaqaadda insha Allaah. Marka hadduu shuush jiro waa baxayaa dowaan insha Allaahu.

Halkan ka dhageyso C/Raxmaan sheekh Cumar oo le aniga iy Bashiir Salaad baa la shirnnay Xasan Sh. Maxamuud ka hor intaan la dooran! Guji Halkaan

Guji Halkaan saad u daawato codkoo Youtube ah.

 

F.G. Warbixinnadaas kore waxay ahaayeen arrimo xaqiiqo ah oo filimo, codod iyo sawirro loo hayo. Waxaa soo diyaarin jiray qaar ka mid ah Golaha Baraarugga Islaamka oo C/Weli Dalboon iyo walaalo kale ku jiraan. Marka yaan loo arkin qormooyin aan keligay lahaa.

Guji halkaan saad u Daawato Filimkii uu Umal ku damcay inuu ku difaaco wadaadkaan Lunsan

C/Waaxid C/Laahi Khaliif