Tan iyo isniintii la soo dhaafay (10 September 2012ka) waxaa saxaafadda Af-Soomaaliga ku hadasha hareeyey wararka, faallooyin, hambalyo, xaflado iyo damaashaad ku saabsan Dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah in lagu caleema saaray Muqdishu.
Haddii dareenka saxaafaddaas uu ka tarjumayo shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo dowladnimadaas is hortaagta daadka ayaa qaadi lahaa sidaas darteed dad badan oo aan ka mid ahay waxay dantu ku qasabtay inay ugu yaraan 7 maalmood is daad raaciyaan kuna sigtaan inay isbeddel aan dhicin rumaystaan.
Xaqiiqdu waxay tahay hugunkaan danlaydu afuufayso wuu sii socon doonaa ugu yaraan inta ra’iisul wasaare la magacaabayo ugu badnaanna inta golaha wasiiradda magacyadooda la faafinayo maxaa yeelay dadka hadda saxaafadda ka hadlaya waxay u badan yihiin dad farriimo u dirsanaya cidda jagooyinkaas qaybinaysa.
Huwanta danlaydaa waxaa ka mid ah:
1- Kuwo xilal hore soo qabtay oo ku magaagaay boobkii aan lagala xisaatamin kuna hamiyaya inay helaan fursado kale oo ay ku dillaallaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed kuna hadlaan afka cid kasta oo ummaddaan dhibaataysa.
2- Aqoonyahanno isu muujin jiray wadaniyiin balse waqtigii ku dheeraaday isuna arkay in gabow dartii aanay fursad dambe u harin sidaa daraadeed isu qadimay inay xaal marin ka bixiyaan mowqifkoodii hore si ay mar un xil u qabtaan una badan inaanay helayn goor dhowna aan arki doonno iyagoo leh soomaaliya dowlad lalama rabo hannaanka doorashaduna sax ma ahayn.
3- Soomaali u shaqeysa hay’adaha kala duwan ee shisheeyaha khayraadkeenna u soo duulay oo gudanaya shaqo ay ku lacag qaataan taasoo ah marin habaabinta shacabka soomaaliyeed iyo suuq geynta barnaamijyada quwadaha duullaanka ah.
4- Hor joogayaalka Qurba joogta oo hore ugu mamay xatooyada dhaqaalaha lagu taageero jaaliyadaha soomaaliyeed haddana u iibgaynaya muqdisho si ay uga samaystaan waraaqo wakiilnimo dowlad ku sheegga villa soomalliya.
5- Wadaaddo futuur ku dhacay oo talo kaga dhammaatay inay bogaadiyaan hadba cidda mamulaysa raqda soomaaliya.
6- Waxaa intaa hore ka soo haray waa dad ay saamaysay borobogaaandada caalamiga ah ee ay u kaalmaysay duruufta qallafsan ee haysata shacabka soomaaliyeed.
In kastoo aan qirayo in inta qarsoon ee qorshaha Xasan SHeekh Maxamuud lagu keenay ay ka badan tahay inta muuqata waxaan taabanayaa sababa aan u saluugsanahay isbadalkan la sheegay inuu ka dhacay Soomaaliya.
Baarlamaanka iyo Guddoonkiisa
Qodobka ugu horreeya ee dadka arrinta taageersan ay buunbuuniyaan waa in barlamaankan uu ka tayo wanaagsan yahay kii ka horreeyey ee kuraasta isla dhacay waxay moog yihiin in sababta lagu diriray ay ahayd in la keeno ciidamo dawladaha deriska ah ka socda taasoo ugu yaraan barkood diidanaa halka kuwan cusub aanay khusaynin ciidamada wadanka jooga iyo waxa ay qabanayaan.
Shaqsiyadda iyo awoodda gudoomoyaha Barlamaanka cusub ayaa iyaduna ah shay aad looga badbadiyey, ma dafirayo in jawaari uu muddo dheer ku dhex jiray maamul dawladeed laakiin kuma cusba TFG-da balse waa ninka qoray distuurka fashilmay ee soomaalidi la yaabatay haddana meelmarintiisa isaga loo soo xulay kadib markii dadkii la isu keenay damiirkoodu diiday.
Jawaari wax kasta oo uu soo bartay awooddiisii qofeed hore ayey u badatay kamana mira dhalin karo howl maalmeed joogta ah balse isaga ayaa xannaano u baahan waxaana dadka yaqaannaa ay ku sheegeen nin aan naftiisa u roonayn oo balwadi dilatay.
Madaxweynaha
Taariikh ahaan madaxweynahan ummadda soomaaliyeed inteeda badan Helery Clinton ayaa ka aqoon og marka laga reebo laba gabdhood oo VOA_Somali ka sheegay inay ka wada shaqeeyeen Inter-Peace iyo CRD oo Dadka Soomaliya jooga u yaqaaniin inay sirdoon dibadeed wakiil u yihiin.
Markaan u fiirsaday tub-qaadkiisa hore iyo halhayskiisa siyaasadeed waxaad mooddaa in TFG-du ninkaan u baahnayd hal sano ka hor inta uu soo daahayna waa inta sheikh shariif kordhistay xilka, sanad ka hor waxuu ku soo beegmi lahaa intaan ciidamadii Suufiyada military ahaa loo jabin aas-aasahoodii Meles Zinawi-na uu noolaa. Waxaan taa u leeyahay waraysiyadiisa ugu horreeya ciddii dhuuxda waxay fahmaysaa inuu ka amba qaaday sii xoojinta dagaal diimeed noocii suufiyada lagu aasaasay, waxuu ku cel-celinayaa ideology diimeed oo khaldan ayaa dhibku ka yimid marka waa inaan taqliidiganagii xoojinno, waxaana la og yahay in raad fog oo suufiyo ku jiro.
Farqiga isaga iyo sheikh shariif u dhexeeya kii hore wax walba wuu jili jiray isagoo waxba aamin sanayn kanu waxaad mooddaa inuu iimaan suufi-cilmaani ah ku xooggan yahay.
Marka la soo gaabiyo Xasan sheikh Maxamud ilaa hadda waxaa cad inuusan fahamsanayn ama doonayn inuu fahmo salka mushkiladda dalkaan haysata sidaa daraadeed xalkuna ka fog.
Haddaba Muhimadaha dhabta ee Madaxweynahan u yaalla waxaa ka mid ah:
1- Inuu bur-burka Ciidamada shisheeye gaystaan uu shacabka soomaaliyeed ka dhaadhiciyo in dantoodu ku jirto.
2- Inuu dhammaystiro dastuurka fashilmay si gaar ahna u hubiyo kootada haweenka iyo madaxweynhu inuu diintuu rabo haysan karo.
3- Heshiisyada TFG-du ku fillaan weyday ansixintooda maaddaama uu ku meelgaarkii ka baxay.
4- Inuu irdaha u xiro tirade yare ee ka hartay ilihii dhaqaalaha ee soomaalida sida xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta isaga oo ku dabaqaya nidaamyo fadhiid ah oo Africa gaar ahaan itoobiya laga soo min-guuriyey.
Inkastoo uu aad isugu dayey inuu na doqon sado haddana ilaahay fadligii waxaa caddaatay inuu naftiisa uun doqonsanayo dhagarta lala soo maleegayna uu sigay inuu noqdo cidda ugu horreysa ee ku baxda waana tan i soo xasuusisay mid ka mid ah heesihii waaberi ee wadaniga ahaa.
Hadday adiga kula tahay
Khaa’in yahaw hagoogani
hootada aad ii qarin
inay hadimmo ii noqon
Waad mala habowdaye
haddaan midigta kula helo
hilbahaaga waa Karin
wabillaahi towfiiq
17.09.2012
Xasan Fayooke Cali.