Shariif Sh Axmed ayaa sida la soo wariyay laga wacay Xarunta Xalane ee magaalada Moqdisho oo ah saldhiga ugu weyn kuwa ku soo duulay gayiga Somaliyeed.

Shariif ayaa la sheegay in su’aalo laga weydiin doono qaraxii Hotel Jaziira oo Kenya ku eedaysay inow ka danbeeyay haysana cadeymo la isku halayn karo.

Shariif ayaa maanta isku dayay inow banaanka iska mariyo laakin sida cad kuma aysan qancin had

alka ka soo yeeray Shariif,oo ay ku sheegeen inowsan ahayn mid dhamaystiran.
Shariif ayaa hada ka hor ku lug yeeshay qaraxii TIYAATARKA ka dhacay oo aan weli meel cad la saarin.
Shariif ayaa la kulmaya xaalado keeni kara in la xiro ka dibna maxakamad laga waco.
Ma dhici kartaa inaan aragno Shariif oo Katiino lagu xiray ka dibna Shabaqle saaran, sidii ku dhacdey Maxamed Dheere oo ay ku sameeyeen ciidamada Amisom?
Banaadir Post.