Kenya oo Xassan Sheekh ka codsatay in laga iibiyo Badda Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo horay loogu saxiixay Badda Soomaaliya inay qaadato, dhaqaale fara badana ay ka xayuubsadeen Siyaasiyiin dowladdii TFG-da ka mid ahaa ayaa mar kale ka codsatay madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud in sharuud la’aan laga Iibiyo Badda Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Mahiga ayaa xaqiijiyey in Dowladda Kenya ay si toos ah madaxweynaha cusub ka codsatay inuu ka gacan siiyo sidii Kenya looga Iibin lahaa Badda Soomaaliya oo horay Siyaasiyiin u saxiixeen.

Kenya oo faragelin qaawan ku heysa dalka Soomaaliya ayaa la ogaaday ujeedka ay ugu damdamleedahay Dhulka Soomaaliya in uu yahay sidii ay badda qeyraadka Baddan u boobi lahayd haddii laga horyimaado in laga Iibiyo.

Intii ay socdeen ololihii waxa loogu yeero doorashada Xorta ah ee ka dhacday magaalada Muqdisho Musharaxiin fara badan waxay ka codsadeen dowladda Kenya inay ka gacan siiso doorashada si haddii ay guuleystaan Badda ku wareejin doonaan, hase yeeshee markii siyaasiyiintaasi ay guul dareysteen Kenya u soo dhawaatay Xasan Sheekh Maxamuud haatana gorgortan kula jiraan sidii Badda qeyb fara badan oo ka mid ah looga Iibin lahaa.

Baarlamankii TFG-da ee KMG ahaa waxay horay uga horyimaadeen mowshino Ajandayaal ah oo ku aadan in Kenya laga iibiyo Badda Soomaaliya, hase yeeshee xildhibaanadii KMG ahaa ayaa sheegay inaysan badda Soomaaliya beec ahayn Taako ka mid ahna laga Iibin doonin dowladda Kenya.

Duulaanka Kenya ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah sidii ay xoog ugu qaadan lahayd badda Soomaaliya haddii ay ku weyso Dhaqaalaha ay ku harqinayso Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Hogaamiyaha Cusub Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka Soomaaliyeed oo ALLE ku manaystay Badd iyo Bari qeyraad badan ayaa gaalada Reer Galbeedka haddii ay ahaan lahaayeen Wadamada Xuduudaha la leh Soomaaliya iyo kuwa aan la lahayn waxay u hanqal taagayaan sidii ay Badda Soomaaliya ku boobi lahaayeen.