Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka dabadhilifka u ah ayaa dhiigbax kii ugu xooganaa kala kulmay dagaalka galay maalintii afaraad ee ka socda Jubooyinka ee cadowga uu ku doonayo in uu ku qabsado magalada Kismaayo iyadoona qasaaraha ugu badan uu soo gaaray maleeshiyaadka lagu soo xaaqay jiidda dagaalka.

In ka badan 100 askari oo u badan Maleeshiyaadka dabadhilifka u ah Kenya ayaa ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay duleedka Biibi iyadoona weli la isku horfadhiyo goobihii lagu dagaalamay.

Ciidanka Kenya oo kaashanaya maleeshiyaad dabadhilifyo ah ayaa muddo todobaadyo ah Mujaahidiinta kula dagaalamaya duleedka degmada Afmadoow kuwaas oo hadafkoodu yahay in ay qabsadaan degmada Kismaayo balse ay hortaagan yihiin Geesiyaal ku balamay geeri oo Allah u kaashanaya Qorshooyinkooda dagaalka.