Sam Ongeri oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Waddanka Kenya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Jazeera ee uu deggenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, xilli ay wada kulan sanaayeen isaga iyo Madaxweynaha cusub.

Dowladda Kenya oo Shariif ku eedeysay in uu ka dambeeyay Qaraxii lagu qaarajin lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Mr Ongera.

Shariif Shiikh Axmed: ‘’Beesha Caalamka Waxay Noola Dhaqmi Jireen Sidii inaan Gumaysi Kujirno’’, Iyo Qaramada Midoobay oo Arintaas Cadaysay.

Ongera ayaa sheegay in qaraxaas uu wax ka ogaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed , isagoo ku sifeeyay inuu ahaa qaraxa mid muujinayay loolan xagga awoodda ah oo uu Shariif kula dabaaqtamayey Madaxweynaha Xilka kaga guuleystay.

Wasiirka Arrimaha dibada ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu yimid Hotelka wax yar kadib markii qaraxa dhacay, isla markaana aanay ka muuqan wax naxdin ah isagoo aanba u heysan in wax ka dhaceen goobta.

Mr Ongera ayaa Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore uu la soo xiriiray ka hor inta aysan dhicin doorashada looga guuleystay, isla markaana ay wada hadleen muddo hal saac iyo bar ah, isagoo ka codsaday in Kenya ay ku taageeraan doorashada Madaxweynaha, si dib loogu soo doorto, hase ahaatee uu sheegay in Kenya ay u caddeysay Shariif in aanay taageereyn Musharrax gaar ah, ayna eegeyso natiijada ka soo baxda doorashada.

Shariif ayaa sida la sheegay Maanta ay soo wajahday Wel-Wel siyaasadeed oo aad u culus markii uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya sheegay in uu Qaraxu isaga ka dambeeyay, Waxana laga yaabaa in Shariif ay Kenya ka mamnuucdo in uu Waddankeeda u safro, Waxanaba dhici karta in Xabsiga ay dhigto Kenya Haddii uu Waddankeeda soo maro Maadaama haatan uusan ahayn Madaxweyne oo uusan haysan waxa loo yaqanno (Imunity).