Kenya oo Afka Furatay Shariifna ku eedaysay Qaraxii Hotel Jazeera Arimo kalana daaha ka qaaday,Shariif oo loo dhigey shirqoolkii maxakamad lagu gayn lahaa

Qaraxyadaasi Dowladda Kenya oo maanta ka hadashay waxaa ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay Madaxweynihii hore ee Dowladii TFG-da Shariif Sheekh Axmed kaasoo ay sheegat in qaraxyadaasi lala damacsanaa in lagu khaarijo masuulyiin uu kamid yahay Wasiirka arrimaha dibbada Kenya  Sam Ogeri.

Wasiirka Arimaha Dibada Kenya waxa uu xusay in Shariif Qadka Telfoonka uu kula soo xariiray Doorashada ka hor uuna ka codsaday Kenya in lagu taageero ololihiisa Doorashada iyo sidii uu ugu guuleesan lahaa in Mar kale lasoo doorto balse Kenya ay taasi ka diiday una sheegtay in Musharax gaar ah taageereen cidii lasoo doortaana taageeri doono sida uu Wasiirki Saxaafada u sheegay.

“Qaraxa waxa uu ahaa mid loogu talagalay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha cusub, Al shabaab ayaa sheegtay laakiin Kenya waxay ku tuhunsan tahay in uu ka dambeeyey Shariif, waana cadaawad ka dhalatay loolanka siyaasadda”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ogeri.

Banaadir Post.