Hasanoow lagu mood noqonse weyday!!! Qore:-Mohamed Hussein Osman.

Asalamu calaykum waraxmatulaahi wabaraakaatuhu akhristayaasheena qiimaha iyo qaaya lahoow .

salaan ka dib waxaa igu waajib ah inaan fikirkayga soo bandhigo ka dib markaan dhuuxay dhagaystay bilowgii khudbadda madaxwaynaha cusub mudane hassan sheikh mohamed waxaa ila muuqday madaxwayne jamhuuriyada Federaalka somaaliya balse aan u arkay Madaxwayne Jamhuuriyad centeral ah waxaana taa cadeenaya isagoo hadalkiisii ku bilaabay waxaanu nahay madaxwaynayaashii labaad ee xilka madaxwayne isku wareejiya iyadoo allaha u naxariistee iskala mid dhigay labadii madaxwayne naxariistii janno allah ka waraabshee Cabdirashiid cali sharmaarke iyo Addan Abdulle Cusmaan labadaa masuul oo aanu la soconno dastuurkii iyo nidaamkii lagu doortay inuu ahaa nidaam dowlad dhexe.

Haddaba waxaa la yaab ah xageebay ka baxeen madaxwaynayaashii ugu taariikhda dheeraa uguna macquulsanaa xagee buu ka baxay madaxwaynihii lagu doortay dalka kenya ee shirka embkasii oo helay aqlibayddii ugu badnayd ee baarlamaanka ahaana ninkii sameeyay nidaamkaan hadda lakala dhaxlay oo sheikh shariif oo jabhad ahaa hadduu soomaali wax tarayo inuu madaxwayne u noqdo ahaana madaxwaynihii uu horeeyay oo iscasila waa mudane marxuum Cabdulaahi Yusuf Axmed xageebuuse ka baxay madaxwaynuhii carte lagu doortay mudane dr cabdulqasim salaad hassan oo si sharci ah loo doortay si sharci ahna madaxwayne ugu wareejiyay .

Xagee buuse ka baxay madaxwaynihii ugu horeeyay burburkii dowladdii kacaanka oo ururo lix ah ay si ku meel gaar ah madaxwayne ugu doorteen waddanka jabuuti shirkaasoo ahaa shirkii ugu horeeyay oo soomaali loo qabto mudane Cali Mahdi Mohamed soo looma baahnayn in la xuso hogaamiyihii umadda soomaaliyeed ee kacaankii 21kii oktoobar 1969kii jeneraal mohamed siyaad barre waa maxay taariikhda afka cagta laga saaray . haddaba arintaan waxay u muuqataa markaanu nuxurkeeda u daadagno hadalkii uu Madaxwaynuhu ku bilaabay khudbadiisa mid dhibtii soomaali dhexdeeda ka jirtay sii kordhinaya waxa maslaxad ahna ayna ku jirin wanaa arrin salka ku haysa in laga leexday Road maabkii iyo arrimihii federaaliga ahaa oo sanadaha soo socda loo gudbi lahaa isla markaa madaxwaynuhu laftigiisa habkii lagu doortay uu ahaa habkii dastuuruga ee odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ay soo gudbiyeen habkaasoo ay beesha caalmaku galisay waqti dheer iyo daqaalo badan .

Haduu hadalkaasu kaa yahay siyaasad hassan sheikhow waxaan kugula talin lahaa inaad ka noqoto hadalkii hadalka aad ku furtay shacabka Soomaaliyeedna aad ka raali galiso shaqadii laguu idmadayna aadan ka soko dhicin.

Sheikh Shariifna ma aan u gafayo balse waxaa la hubaa oo sax ah oo aan nina ka beensheegi karin inuu maxkamadihii uu gudoomiyaha u ahaa uu qiyaameeyay iyagoo ahaa maamulkii ugu fiicnaa ee Mugadishu laga dhiso oo dad badan oo aarimaha soomaaliya daneeya ay yiraahdeen nabadda markaa Mugadishu ka jirtay inay la mid ahayd sanadkii 1970 biloowgii kacaankii .

 Isla markaana dowladdii loo igmadayna uu qiyaameeyay codadkii uu ku soo baxay waxay ahayd mid ay walde cabdaale iyo beesha caalamku ay u soo uruursheen 275 oo xildhibaano cusub ah maslax mohamed siyaad barre o la tartamay baa wuxuu ka helay baarlamaankii sharciga ahaa 160 .

kii hadda u danbeeyay shariif waxa uu helay 78 cod isagoo waliba xoog ugu darsaday qabqablayaashii dagaalka oogayaasha ah haddaba xasanow hadduu sheikh shariif iyo aala sheikh ay hagaanka kuu qabtaana waxaad ku hungoobi doontaa howshii laguu igmaday waayo shariif wali ma rumaysna inuu cid kale ama adigaba aad madaxwayne tahay waxaana lagaaga baahanyahay madaxdii shaqaynaysay iyo dowladihii kaa horeeyay in lala xisaabtamo si loogu ilaasho umaddii hantideeda . akhristow doodaani waa ay socotaa waana u furan yahay dhamaan qof walba oo soomaali ah inuu fikirkiisa dhiibto.

Qore

 Mohamed Hussein Osman.