Diyaarad Kenya leedyahay oo afka dhulka loo galshay iyo Kenya oo markale ku dhiigbaxaysa gayiga Somaliyeed.

Ilo wareedyo ayaa soo sheegaya in dagaaaladii cuslaa ee shalay lagu jabiyey Cidamada Cadowga Kenya, laguna garsiiyey qasaare kala duwan oo isugu jirar Dhimasho, Dhaawac iyo hub fara badan oo laga furtay.

Afhayeenka Ciidamada XSHM sheikh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in boqolaal Ciidamada Mujaahidiinta ay xalay gaaren jiida hore ee dagaalka si ay u adkeeyaan Difaacyadooda.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ay Ciidamada Cadowga Kenya ay shalaay ka taagan tahay duulaanka qaawan ee ay ku soo qaaday dalka Soomaaliya, iyagoo askar fara badan iyo hub casri ah ku waayay Dagaalada ay kula jiraan Mujaahidiinta Soomaaliya.