labadii bilood ee la soo dhaafay waxay warbahinta cadowga ay leeyihiin ay qandaraas ku qaateen inay warar been abuur dacaayado ah ka sheegaan Magaalada Kismaayo oo aan wali ka zuulin gacanta Mujahidiinta.
Warbaahinta oo aad moodo in laga dhaariyay sheegidda kalimadaha runta kuna faantama beenta Iyo dacaayadaha qeybna ka ah ciidanka dagaalamaya ee cadowga ayaa waxay ku xeeldheeraadeen war aysan ku fikirin in la isaga daba imaan karo ama been noqon karo.
Qabsashada Kismaayo iyo in loo dhaw yahay ayay sheegayeen maalmihii u dambeeyay iyagoo marar badan ku dhawaaqay in deegaanka Birta dheer dagaal ka socda cadowgana ay la wareegeen.
Xog aan heleyno ayaa sheegaya in Warbaahinta ay qandaraas ku qaateen ka beensheegidda Kismaayo Iyo dagaalka ka socda Jubooyinka waxaana inta badan dadka reer Muqdisho ay isweydiinayaan run ahaanshiyaha khabarka laga baahiyo Muqdisho kana quustay dhageysiga Idaacadaha Cadowgu leeyahay.
Birta Dheer ayaa lala wareegay,Kismaayo ayaan si xor ah u qabsanay waana nagula soo dhaweeyay ayaa ku soo dhacaysay dhagaheena laakiin wiilasha Kirishtaanka Iyo Maleeshiyaadka ee ku sugan duleedka Afmadoow waxay ogyihiin xaqiiqda dagaalka Iyo halka xaaladuhu ay marayaan halka rag ku jira qol Mitirro kooban ahna ay afka wax ku qabsadeen.
Marka meydadka Kenya lagu jiijiidayay Kismaayo waxay warbaahintu sheegeen iyago ka indha daboolanaya warkaas in Magaalada laga barakacayo halka qaar kalena ay isla maalintaas ku dhawaaqayeen in Al Shabaab ay ku amreen dadka inaan la qixi gaadiidkana amarkaasi la siiyay iyagoo daboolaya warkaasi farxadda leh.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay is lahaysiinta wararkaasi is khilaafsan ee aan sida xishoodka lahayn loo qoro ama loo akhriyo.
Waa Run birta dheer waa la qabsaday,Kismaayana waa lagu sii siqayaa laakiin isweydii cidda qabsatay,maleeshiyaadka ama ciidanka Kenya? Jawaabta ayaa waxay noqoneysa waxaa qabsaday wax ma garad ku sugan Muqdisho Iyo warbaahinta ay ka shaqeeyaan.
Kismaayo Waa Meel looga dhaqmayo shareecada Islaamka,dadkuna ay ku qanacsan yihiin garab Istaagga Mujaahidiinta,waa Meel ay ka taagantahay raayada towxiidka ee Caalamka ka banaeysa waana Meel Wali laga dhageysto Idaacadda Andalus.
Banaadir Post.