Waa lagu digtaa ruux haduu ka darnaan jiraye bal dayaay DAAQUUDKII waa kaas Diyaarad sii raacay.

Dadka ku dhaqan Banaadir iyo beldaanka ku wareegsan ayaa shariif ku xusuusan doona xumaan iyo inow yahay nin Diintiisa ku gatay inow diyaarad saarnaado dulina u haado gaalada ku soo duushay gayiga Somaliyeed.

Shariif ayaa taariikhda Somalida ka galay dhinaca xun,wuxuu lugta sii furay isaga oo u doodaya kuwii arxaanka darnaa DAGAAL OOGAYAASHII GOBOLKA BANAADIR,ugu danbeyna qiyaanay markay qarash ka qaateen XASAN MAHIIGA ninka cusub  oo beesha gaalado u rabtay Kursiga saaran kaaraha Kufaarta Amisom.

Shariif ayaa ah  nin lagu xasuusan doono  inow qixiyay laba milyan oo Moqdisho ku noola barigii Maxkamadihii ka hor kuna qaxay dagaalkii lagu qaaday Amxaaro iyo cabdulaahi Yuusuf ka dib salka la helay xaafado cusub oo u dhaxeeya Xamar iyo Afgooye, markay degeen nolol samaysteen aaya markale dagaal ku soo qixiyay Shariif oo saaran kaaraha Amisom,waxayna qax cusub ku yihiin Moqdisho,ka dib wuxuu amar siiyay Maleeshiyaad Beeshiisa ah iyo gaalo madowda Amisom inay soo aruurshaan dhamaan dadka ka soo qaxay ceelasha biyaha  maxaa yeelay waa wada Alshabaab,taaso   been aan  la soo helin noqotay, ka dibna lacago la siistay,ugu yaraana qof walba laga qaatay 400$.

Shariif ayaa wuxuu dad aan abid noloshooda qixin dadkaas oo badnaa beeshiisa gaarka ah,waxayna ka qaxiyeen lix  xafaadood ilaa Boondheere iyo kaaraan dhulka u dhaxeeya oo dhan,waxayna waligood ugu yeeri jireen SHARIIF LA SOO GAMAY, walow ay hada ugu yeeraan SHARIIF LA SOO XOORAY AMA LA NACAY.

Shariif wuxuu wajihi doonaan xaalado badan oo aad u adag dhinac walba, maanta ayaa beesha gaalado u balan qaaday meesha ay ku noolaan doonaan iyo xooga qarash ah bil walba  isaga iyo dhowrkiisa naagood ,lama oga meelay tahay?

LA SOCO QEYBTA DANBE!

Banaadir Post.