بسم الله الرحمن الرحيم
وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Waxaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey dhegaha ummadda Muslimiinta ah lagu khalkhalinayey doorashooyin aan af iyo dababa lahayn, laguna doonayo in dhardhaarraddii hore oo si fiican wax u karin waayey lagu bedelo, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Dhardhaarradoo la kala bedelaa dhadhan ma doorshaan” taasi waxay ka walax tahay inaan wax is bedelayaa jirin laakiin rag cusub uun baa eedda qoorta loo saarayaa wadkoodayna u yeerteen, waxaana anigu leeyahay ku soo dhawaada seefta goysa gaalada iyo gaalo raaca.
Asal ahaan qaabkaan loo dhaarinayo dadka maamula dowladahaan calmaaniga (secular states), ah ama aan diin shaqo ku lahayn waxaa laga soo min guuriyey Baadiriyadii hore ee Roomaanka kuwaasoo dadka la doonayo inay maamulaan ama fariistaan meelaha ummadda ka dhexeeya (Public Offices), looga raadinayey inay aaminsan yihiin waxay iyagu markaa Ilaahyada u aaminsanaayeen, kelmadda auguration macneheedu waxa weeye ‘promise’ ballan fulin
‘The historical source of the word “inauguration” stems from the Latin augur, which refers to the rituals of ancient Roman priests seeking to interpret if it was the will of the gods for a public official to be deemed worthy to assume office’.
Dhaarta laga dhigtay qodob loo cuskado qofkii la’is qabto, eray lagusoo dhaweysto kii taageero loo hayo laguna xumeeyo midkii laga horyimaado, eray manfaco dhaqaale iyo mid siyaasadeed lagu raadiyo, arrimahaas oo dhani waxay tusayaan dhaqan-xumo iyo xurmad darro magaca Alle loo isticmaalayo, iyadoo qofka Muslimka ah lagu yaqaan markuu magaca Alle maqlo inuu dareemo qaddarin iyo xurmayn, Iimaan iyo cabsina kororsado.
Laakiin qofka Muslimka ah ee xagga Alle rajada ka qabaa, umaddiisana ka xishoonaya waxaa laga rabaa inuu dhaarta iska ilaaliyo magaca Allena xurmeeyo, sharciguna wuxuu na amrayaa inaan dhaarta iska ilaalino, sidaas darteed ayaa Imaamu Shaafici Allaha u naxariistee waxaa laga weriyay inuu yiri: ‘weligey magaca ilaahay kuma dhaaran, run iyo been toona’.
Dhaarta munaafiqiinta Qur’aamku lagu sheegay way noocyo badan tahay, mar waxay ku dhaarteen inay mu’miniinta ka midyihiin, Allena wuxuu sheegay inay beentood tahay sida ku cad suuratu Al-Tawbah Aayadeeda 56.
Dhaarta aay munaafiqiintu maraan waxay ka simantahay dhammaanteed inay u marayaan inay dad ku raalli geliyaan, xuma ay sameeyeenna ku inkiraan magaca Allena oo isagu wax walba og iyagoon xisaabta ku darin, ayay dad qancinti ku mashquulsan yihiin, waajibkuna wuxuu ahaa marka hore inay Alle raalli geliyaan, oo ay beenta iyo khiyaanada iska dayaan sida Al-Tawbah, aayadaheda 62, 96, tilmaamahaasna waxaa la wadaaga dad badan oo dhaar-ujoog ah oo an maanta arkayno iyagoo dhaaranaya ama la dhaarinayo intay kitaabka Qur’aanka kariimka ah gacanta saaraan ama ku qabtaan , marar badanna gacanta bidixa, waxaa dhici kartaa inayan badankoodu daahir ahayn, kama wado inay najaaso yihiin laakiin waxaan ka wadaa inayan weeso qabin, waxana saas u leeyahay ninka dhaartaa aan diinta ku salaysnayn isla soo taagay meel fagaare ah isagoo aan aaminsanahay inuusan fahamsaneyn waxa uu magaca Alle ugu dhaaranayo oo ku xambaarey inuusan is daahirin waa mid meesha laga filan karo. Waxaa xaqiiq ah qof walbana cidduu la dhaqan yahay adduunka ayuu la hoy noqonayaa maalinta aakhiro.
Nimankaa dhaaraha is ku qalacayaa waxaan qabaa inay u badan yihiin adduunyo doon, kursi ama xoolo aay boobaan, haddii aay wakhtigu u saamaxo, umana muuqdaan kuwo daacadnimo noocay doonto ha ahaatee u yimi meesha, waxayna wataan sifadii ama tilmaamihii gabayaa Soomaaliyeed horey u sheegay oo uu yiri:
Wax bogliyo wax beerliyo nimaan beeso dacas haysan
Oo boqol ka jecel wiilka curad biimona u jooga
Inuu dunida boob ugu tashaa waw bannaan tahaye !!.
Gabaygan ma hayo gabyaagii tiriyey, laakiin waxaan ka soo qaatay qoraal uu hadda ka hor qorey qoraa la yiraahdo C/nuur F. Cali 2008dii.
Ragga iyo dumarka dhaartay ma filayo inay wax macno weyn ah soo kordhinayaan, waxaana ayaan darro ah inay ku quus qaadana waayeen kuwii iyaga shalay lagu beddelay ee ka horeeyey oo eed iyo dambiba xambaartay laakiin aan aayo fiican meesha kala tegin.
Aqoon darradda gaamurtay waxaa ka mid ah in Magaca Alle loogu dhaarto in Dastuur gaalo soo maleegatay lana tartamaya Dastuurkii Alle ugu tala galay koonkaan, in dhaar loo maro in la fulinayo lana ixtiraamayo, weli caqli ka liita ama ka hooseeya ma arag mana maqal waxa aay ku kacayaan nimankaa waaweyn oo aad mooddo qoloftooda iyo jismigooda kuwo ku cajib gelinaya, laakiin waxa ka hooseeyaa aay yihiin qurun iyo diin darro fogaatay.
Waxyaalaha aakhiru-samaanka la arkay Rasuulkuna horey ummaddiisa Muslimiinta ugu sheegay waxa ka mid markii fidnadu badato xataa waxaa adkaanaysa in la kala garto dadka Cilmiga u saaxiibka ah iyo kuwa Caamada ah sida maanta muuqata rag badan oo Shaati Culimmo gashan dadkuna moodaan inay caalimiin yihiin baad moodaa in aay u dhaqmayaan sida Caamadda oo aayan muuqan wax lagu kala garto, sababtoo ah nidaam diin drro ku dhisan, oo gaalo soo ergisay, oo aay caddahay in lagula daggaalamayo, in noocma Shareeco Islaam inay ka hirgasho Geyiga Soomaalidu degto, oo dad dhaqan xun oo aan maamuus Islaanimo ka muuqani aay ka buuxaan ayaa niman culimmo sheeganayaa ku faraxsan yihiin xalna u arkaan tahniyodana u dirayaan, taasina aragtidayda waxay ii la muuqataa, inayan meesha ka muuqan tuhunka ah inay kala cilmi badan yihiin ama aay aragti isku khilaafsan yihiin kuwa Culimmadda sheeganaya amase dadkuba u yaqaan, kuwa anshaxa Islaamku uusan ka muuqan iyo Gaalada, sidaa darteed in lagu daalo ama laysku mashquuliyo arrintaa waxay u egtahay midaan wakhti badan u baahneyn cidii mugdi kaga jirana Alle wuu cadeyn oo isagaa og wixii quluubta ku sireysan.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين