Markasta oo Muslimiintu culeys dareemaan fudeyd ayaa ku xigsada, waanaAlle Mahaddii, taasi waxa ay ka farsixisaa Muslimiinta waxaanay argagax iyo werwer ku beertaa Gaalada iyo la jirayaashooda Diintooda, wadaniyadooda iyo Sharaftooda uga tagey Sandareerto ama Hunguri iyo Jago Maalmo la hayo.
31-08-2012 Waxay ahayd Maalin Kufaarta Kenyaatiga ah iyo inta la meel joogta ku hamiyeen in ay Kismaayo gaaraan Iyagoo ka soo dhaqaaqay Magaalada Afmadow oo Muddo ay haysteen. Waxa hadafkoodu ahaa in ay dejiyaan Raayada Towxiidka ka babaneysa Kismaayo, waxa ay burburi rabeen ku dhaqanka Shareecada Islaaamka.
Waxa ay laabta ku hayeen in ay Xasuuqaan Muslimiinta Kismaayo ku dhaqan. Waxa ay u hanqal taagayeen in ay la wareegaan Dekedda Kismaayo si ay ugu noqoto Il dhaqaale oo weyn oo Kenya ku Manaafacaado.
Inta aan weli fahmin haddaan Xasuusiyo Kenya hadafkeedu ma ahan in ay dib uga noqoto meel ay Soomaaliya ka qabsatay ha yeeshee Damaceeedu waa in isla waqtigaasba halkaasu Dalka Kenya ka tirsan tahay.
Iyagoo gaadiidkooda iyo diyaradahooda watta ayay Kenyaatiga Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya iskula dhaceen deegaanka Miiddo oo ku dhawaad labaatan Kiilow Mitir Magaalada Afmadow ka soo jira dhanka Kismaayo.
Halkaas Maxaa ka dhacay?
Kama mid ahayn Wariyaasha iyo ragga kale ee Nasiibka u yeeshay in ay daawadaan qasaarihii Kenyaatiga halkaas ka soo gaaray oo dhan inkastoo aan arkay sawiro laga soo qaaday Meydkad Kenyaati ahaa iyo hubkey wateen qaar oo Kismaayo lagu soo bandhigay. Kobteydii ma aragtay ayaa Miiddo ka dhacday.
Waxaa la yiri Kenyaatiga Maydkooda iyo askarta Soomaalida ah ee daba dhilifka u ah ayaa is barkaday. Meel kasta waa Taah iyo dhaawac in uu istaago isku dayaya ha yeeshee Danu u tabar sheegatay.
Saaxiibkey Cabdi-kariin Seyfullaah oo Goobbta tagay waxa uu ii sheegay in uu in ka badan konton iyo koow isugu jira Kenyaati iyo la jirayaashooda Maydadkooda arkay ha yeeshee tiridu boqol dhan tahay oo loo sheegay meydkad kale oo tiri badan oo kaymaha hoos daadsan.
Diyaradihii Mujaahidiinta iyo dadka Shacabka ah ee Soomaalida ah lagu weerarayay midood waa la soo riday iyadoo noqotay sidi Koombo gubatay.
Gaadiidkii qaar badan waa laga gubay qaarna iyaga iyo Saanadoodii ayaa Mujaahidiinta u gacan galay.
Kolkaan intaas hubsaday Cadawgana Qorshihiisi lagahorjoogsaday ayaan go’aansaday bal in aan Tix ku Cabiro wixii dhacay si ay Diiwaanka Taariikhda u galaan Shisheeyahana aan ugu digto.
Maansadaan oo la yirhaado Miiddo waxaan ugu magac daray halkii Dagaalku ka dhacay si ay Xasuusta ugu raagto Magacaasina u Caanbaxo.
Sidoo kale Gabaygu waxa uu ka waramayaa in Kitaabka Alle Gaalada uga dhigan yahay Cudurka Kudka oo Geela ku dhaca qaarkiisna laaya iyo Waabaayada ama Mariidka.
Isla sadaradaas ayay ka muuqataa in aan Gaalada Cagsigeeda rabno in Kitaabka alle Aduunyada lagu Xukumo.
Waxaa kale oo halkaan aan ku muujiyanyaa in Gaaladu isugu xiran tahay sidii Kob iyo Suunkeed oo kale.
Waxaa la Xasuusan yahay in Kenya Dhul Soomaaliyeed Calankeedu ka tagnaa oo ay Mudddo haysatay dadka ku dhaqanna Adoonsanaysay iyadoo uu ku Abaalmariyay ingiriiski ka mid ahaa Guemsytayaashii Afrika qeybsaday hadda ka hor.
Marka Gabaygaan waxa uu xusayaa in aan Dhulkaas Kenya ka soo Celi doono Insha Allaah xaabduna ka holci Doonto KenyaGudaheeda Xilli ay ku hamineyso inay qabsato Gobalada Jubbooyinka iyo intii kale ee Soomaaliya ak mid ah oo ay u suura gasho.
Manaasadii waa tane Inta Islaamka iyo Guusha Muslimiinta jacel ha ku Laab qaowsato, Gaalo iyo Daba dhaqeedana Fallaar laabta kaga dhacday ha ku noqoto.
Iyagaa Kitaabkiyo Sunada lagu kari waayee,
Iyagaa Xaqii kaad maroo kaalay laga waayee,
Kaare iyo intey soo wateen Kooyaliyo Beebbe,
Kumanaan iyagoo ahoo kolonyo Sheydaan ah,
Kismaayo Iyagaa la rabay Kaniisadoodiiye,
Wiilal keebka haystaa u galay kaymo iyo Duure,
Kol qurey dareemeen rasaas kararta Xiinkeedle,
Kalxantiyo Caloosha iyo Kilyihiyo Beerka,
Kugta iyo qadaadkiyo wadnaha Koofanaha qaadee,
Kaneeco la buufishay sideed kedis u daateene,
Kob faniintay Meyd iyo dhaawac kici waayay,
Hub karuuranbaa loo tegiyo Keyd la guri waaye,
wax karuus la moodiyo Gentaal kiririglaynaaya
Diyaaraddi soo kici jirtee nagu kalootaysay,
Heyla kobtartii soo ridnoo kob la gubay mooddee.
Kariimow adaa Mahad is leh kuman Malaayiina.
Keenyaatiga hadaan la iska dhicin Kibirku uu buuxshay,
Kuukayada haddii aan la layn iyo kuwaas raacsan,
Kamiin iyo hadaan weerar adag lagu kar kaar haatin,
Kushkush jooji maayaan iyo Kabladiyo qooqe,
Abeer kurusku weynyiyo koron laguu shiilay
In Karuurka Geeleenna iyo kimis lagu siini
Qalbi iyo Kashkiinna haddii koollo lagu saaray,
Kas xumadu Ninkeeday dhigtaa kab aan habooneyne
Kabax kabaxdi eediyo Dulmigi kiciyay Laabtiinne,
Wixi Miiddo kagu qabsaday Koonka laga sheegyay.
Kulbiyow in aad yeelatiyo tan iyo kooyaame,
Koban iyo in aad Jilib degtiyo kudhaa iyo Xeebta,
Kismaayo in aad Maamushiyo Guriga kaambooni,
Kukuween in aad joogtiyo Xayo koraadkeeda,
Kaanjarroon adaa hamiyayoo kabsuuma haweyste,
Kuunya barrow adigow socdiyo Kaaraan iyo liido,
Adigoo kambani soo watiyo kuwa Shidaal baare,
Kelli caafimaad iyo adoo Baraawuu kooreysan,
Kuma haynin laabta in aad Malag kulmeysaane,
Ninna looma kaadiyo hadduu waqti ku idlaade,
ha ku cuno waraabuhu adaa Keenay Hilibkaade.
Karbuunada adigaa shidoo kiciyay dhiigeyga,
Kaahbaa ii Baxaayoo Nasraan Koran insha allaahe.
Afrikada kadeedkaan qasiyo kacaa kufkaan raagay,
Kaxandhada midkuu daadiyee Kini adoonsaayay,
Gumeystihii kadiidada ku riday ee kilyaha gooyay,
Kabta aan ku noolniyo dhulkey kebeddu noo tiilay,
Kis kista midkuu qeybiyee kal jaree boobay,
KolyahaMarkuu buuxsadee kacayay ee guuray,
Kufri waa walaalee Dhulkuu kuugu qoray buugga,
Kurayadeena oon qaban hurdadeen kaamil noqmeyso.
Keydki iyo waxaad dheemankii kalawsatee dhuuqday,
Karaantiilka raagiyo dadkaad koomo u horseeday,
Kansarkiyo Colaadiyo Naxligi aad karkarineysay
Dadki aad kur goysee sidii Ari kuwaan saartay,
Kumaanaanki aad gowracdaa kuugu qoran meele,
Kaama kuujiyaa noo balana Keenya gudaheeda.
Kulligeedba gaaladu waa Kob iyo Suunkeede,
Waa Kirliyo dabloolkiisiyo kalama maarmaane
Kaalintiisa Shiinuhu ma gebin Kaafir nimadaaye
Koongo iyo Maraykan iyo Kuuriyiyo Ruushka,,
Kenediyo Baraasiil iyo Noorwey kuwa jooga,
Kaatoolig Talyaani iyo Maalto ku lamaanan,
Iswiidhan kadeed badanliyo kadaab Gariig jooga,
Kacbada Axmaar dumi rabiyo Kiis mid la wadaaga
Kenya iyo Ugandheys iyo kuwa la meel jooga
Inti rogog ka kaadida iyo kacaan Masiixoo dhan,
Kurbo iyo waxay ciil qabaan wey karkarayaane
Kirkiga nimankaa cunee Eeyga ku qadeeya
Ee dhiiga keenaa u yahay kooko iyo faanto,
Karkaarada Webi soo jebshiyo daad la kora waayay,
Kitaabka’qur’aankowga dhigan kud iyo waabaaye,
Anaguna korkeeylkiisa iyo koonkoo lagu faafsho,
Keligii in loo xukun tagaan kaw u dhahaynaaye,
Kor u dhaaf daruuraha Heshiis lagu Kifaaxaaye
Miina la isu kaayiyo rasaas la isku keynaansho,
Waa inoo Kur gooyiyo Colaad kobaha loo siibtay.
Kaalmada Ilaahay ayaan Koran weligeene,
Karraaniga Shisheeyiyo intii daba kushlaysoo dhan,
Kalgaceyl intuu qaadayee yeesha kabahooda,
Nimankaa Kitaar laga dhigtiyo Kaban labadaaba,
Kastumada hoosiyo dadkaa kooyo laga yeeshay,
Kufrigaan iswaalaaya iyo kuwa daba jooga,
ayaguba kor wey leeyihiinHubku karayaaye,
Kalsooniyo dadaal buuxa iyo xaqoon ku dhegnaano
Kuraajiyo wax loo baahan yahay Karti iyo dhiirri.
Waxaa Tiryay Cabdulaahi Yaasiin jaamac (Cabdulaahi soomaali)
cabdulaahisomali@hotmail.com