Kenya ayaa ku daashay dagaalada aan dhamaadka lahayn oo ay ku gashay gudaha gayiga Somaliyeed,waxay dagaalada dib uga celisay ciidamo aad u badan ka dib markii laga helay cudurka dhimirka ku dhaca.
Axmd Madoobe “RAASKABOONI” ayaa saakay la geeyay saldhiga kenya ku leedyahay Afmadow, mana ahan markii ugu horeysey oo Kenya u gacan qaaday ninka xariga ugu xiran gaalo madowda Kenya.
Kenya ayaa dagaalkan ku jirta mudo ku dhow sanad weli aan gaarin magaalada Kismaayo oo ay sheegteen inay maalmo ku gaari doonaan,ilaah ayaa mahad leh,waxaa magaalada Kismaayo la geeyay maydad , askar nool iyo hub aad u badan oo qanimo ah,waana waxyaabaha ay ku quusteen kenya kuwa ay soo wadatay.
Kenya gudaheeda ayaa laga soo sheegaya dhaqaale xumo iyo shaqo joojin baahday ka dib markii dalxiiskii iyo ilihii dhaqaale oo dhan fariisteen.Waxaa kale oo soo badanaya dadka diidaya dagaalka ay kula jiraan somalida ka dib markii ay ku waayeen wiilal iyo amni xumo baahday.
Maleeshiyaadka la socda Kenya “RAASKABOONI” ayaa ah kuwa jecel in ay mar kaliya gaaraan Kismaayo oo ay beel ahaan is xijiyaan inay gaar u leeyihiin,waana arinka adkaaday Kenyana waa shakisey in maleeshiyaadkan yihiin kuwo dano gaar ah,waxayna kale uga shakiyeen inay xariir hoos ah la leyiihiin Shabaabka dagaalka adga kula jira.
Banaadir Post.