Xassan Sh Maxamud “Xassan Mahiiga” iyo Xamar maxaa kala haysta. “Wixii aan XAQ ahayn Xal ma noqdaan”(SAWIRO)

Xasan Sh Maxamud “Xasan Mahiiga”ayaa ah magac looga yaqaan magaalada Moqdisho, waana magac ay bixiyeen kuwii oo kaga guulaystay Kursiga Kaaraha Amisom  saaran sida ALAA SHEEKH,Farmaajo , Baadiyow ,Yuusuf Garaad iyo kuwii la midka ah.

Waxaana magacan  keenay in loo bixiyo markii ay la yaabeen meesha laga keenay ninka kursiga ku booday.

Xasan Mahiiga ma ahan nin cusub waa nin ka yimid waxa loo yaqaan NGO-yada Somaliya gaar ahaan CRD oo ah wakiil buuxa oo faraha kuwa jira arimaha Somalia mudo dheer,waana ururkii oo ka shaqeyn jiray nin aad looga yaqaanay moqdisho ama somaliya inteeda badan Cabdulqaadir  Yaxye oo horey Moqdisho loogu dilay.

Muxuu soo kordhiyay Xasan Mahiiga?, waa maya wax walba waa  meeshii ay joogeen waxaa baxay Shariif iyo Ala Sheekh.

Muxuu qaban karaa Xassan Mahiiga kana qaban karaa Somalia ?,ma cada inow Somalia  wax u qaban karo,maxaa yeelay lama imaan doono wax cusub, wuxuu noqon doonaa mid Somali wax u dhiba hadii aan laga hortagin.

Banaadir Post.