Sandulleyn haddaad diiday iyo sadar laguu meersho
Dad baa saas kunoolaan jiroo laga sixiix daaye
Ragga soohdintii soo sikiyey waa sad qaateene
Haddii ay soceysaa layiri woow sareeyaane
Sandareero inaan loo sineyn sarif ya waabayda
Sida laysu kala saaray baad sahal ogaataaye
Waxba yaan sidoodii lafalin samo u xeynaada
Seedaha atoor baa kawacan summal caddiimoone
Siyaasada sidii lagu yiqiin saban colaadeedka
Kolleey waa socsocotaa marbaan laga sal gaareyne
Saqda dhexe halkay seexataad subax ka weydaaye
Saan tirasho waa lagu ogaa siriq laqoolaaye
Siddada laba wada hayood saaxib moodeysid
Mid uunbaa saluug qaboo la sugi seeto iyo xeele
Sanqo hadalka suul dhabaale iyo sino cayaarkeeda
Sowtkaagu meeshuu tagaa leysku sooraaye
Sinjigoo maguuraan ahbaa qaar ka siqayaane
Sidaad doonto yeel bay kudari soo jireenkiiye
Suuradoo sideedii ah bay sadri cadaadaane
Wax saqiray mooyee mar bay saac gaddoomeene
Saamaxaad safiir loo maroo saadiyaa jira e
Mar buu seedigaa keenayaa sababta taada ahe
Niman kaa sal weyn baa fadhiya suuqa sheekada e
Sarbeeb maleh inay suus rabaan mana sarriig taane
Siyaasigu wuu safar badnaa sahanna aadaaye
Sir badan hadduu soo siduu yara silloonaado
Sarqad soon dhexdiisa ah hadduu saanigii dhaafo
Simbiriirix hadduu taagan yahay saantu liiceyso
Ama uu sigaar iyo qaad salal dhawaaqaayo
Sasabaadda waayeel hadduu sina ka maarmeynin
Qaar soor yar siistaa jiroo sawirro qaadaane
Saac ba saac weeyee intuu saaxi noqonaayo
Sirtii qaranka waa loo baqaa sidaan dareemaahe
Suuradaha quraankiyo nimaan sunnada oogeynin
Oon sujuud ilaahay badeyn samir ya iimaane.
“Siyaasi” Waxaa Tiriyey Xagaleey.
Banaadir Post.