Ka dib Guuldaradii Shariifka, Musaveni oo la bixi doonaa ciidamadiisa ku guul daraystay Somalia iyo Nigeeria oo bedeli doonta!!

Hogaamiyaha dowladda Ugandha Baadari Yuweri Musaveni ayaa horay u sheegay in Ciidamadiisa guuldareystay ee jooga Soomaaliya uu la bixi doono haddii aan dib loo soo dooran Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna intaasi ku daray inuu hakad galin doono howlgaladaasi lagu dhibaateynayo Shacabka Soomaaliyeed.

Musaveni ayaa meel ku ogayn Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweyne ay Soomaaliya u soo magacaabeen gaalada beesha Caalamka waa uuna ku guuldaraystay inuu sii noqdo Madaxweyne Soomaaliyeed.

“Xaalada Soomaaliya waan qiimaynaynaa haddii Saaxiibkey Shariif guuldaraystay dib u eegid ayaa ku samayn doonaa madaxweynaha Cusub waa nasiib daro in Baarlamanka Soomaaliya dib u soo celin waayeen Shariif, balse guusha Xasan Sheekh Maxamuud waxay dib u dhigayaan howlgalka aan ku doonaynay inaan Soomaaliya ka sii wadno” waxaa sidaasi aan ka soo xiganay ilo ku dhow Yuweri Musaveni.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta Neyjeeriya ayaa timid kadib markii ay guuldareysteen Ciidamada kale ee ka socda dowladdaha Ugandha, Burundi, Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo casharo culus loogu dhigay dagaalo ay la galeen Mujaahidiinta Soomaaliya iyo siyaasada gaalada oo is bedel ku yimid  iyo dhaqaalo xumo soo korortay.

Banaadir Post