Ilma Sheekh waa isku mid u wada adeega Kuffaarta. (Maqaal) Bile Bilaal

Ascwrwrb… Alxamdulillah ikhwaanii fillah WSC Calaa Rasuulinaa scw:-  Walaalaha Muslimiinta ah waxaan aad ugu hambalyaynayaa Shahaadada allah ku irzaaqay Sh. Abuu Yaxya Allibi oo ka mid ah dadka Allah dartii uga soo tagay dalkiisii iyo ehelkiisii si uu cadawga maanta ina duldagan uga saaro dhulka Muslimiinta Allaha ka aqbalo Shahaadada Anagana allah nama fitneeyo dabadii Amiin.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waa laba nin oo gaaladu isu badashay run ahaantiina Jandai Frezer oo ahayd habartii Shukaansiga ku soo xaraysay Shariif si uu manhajka Gaalada uga fuliyo umadda Muslimiinta ah aad ayay u caqli xumayd waayo waxay ilowday maahmaahda ah ”Ninkaad kabo ka tolanayso kuwiisa ayaa la eegaa” runtii nin aad u xun ayay kaba ka tolatay arinkaana maanta waa caddahay ma jiro cid u baahan in loo sharaxo, Shariif wuxuu ahaa nin magac ku helay in uu Kitaabka allah dhaqan galinayo muranna kama taagna maanta in uu magacii ku waayay isla Kitaabka allah dagaal uu la galay.

Shariif isaga ayaa Allah nacay isna Ibliiskii ayaa nacay markii uu goob cidlo ah kaga tagay maanta diinta allah waa sideedii kumana guulaysan in uu burburiyo sidii ay gaaladu la qorshaysay laakiin isagii sida agoon ayaa maanta loo baarayaa halkii uu shandahaha iyo xaasaska la dagi lahaa oo uu qaxooti ku noqon lahaa waana dariiqii Oday Cabdalla maray laftiisii.

Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu ka mid yahay raggii silsilada ahaa ee marba mid loo soo saari jiray in umadda diin la’aan dhigaan wuxuuna ku qanacsanahay in Dimuquraadiyadda lagu dhaqmo badalka Kitaabka allah mana noqdeen Madaxweyne haddii uusan ogolaasho ka haysan Beesha Gaalada Caalamka taana waxaa caddayn kuugu fillan ma maqasheen wixii xasuuq ka dhacayay Soomaaliya ee gaaladu u gaysanaysay isagoo ka hadlaya mise maqasheen Duullaamada Kenya iyo Xabashidu wado ee xitaa marka la eego waxa u qoran Beesha Gaalada ku qaldan isagoo caro yar ka muujiya  aniga ahaan ma arkin waxaase doonayaa in aan halkaan ku xuso Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu doonayo in uu gaalada u qabto ee aanan waliba ka mala awaaline ka soo qaadanayo Dastuurka lagu doortay kuna dhaartay in uu ku dhaqmayo.

Marka koowaad dawladaani waa mid Gaalo adeecaysa ee maaha mid rabbii adeecaysa waayo nidaamkooda waxaa ku qoran in ay ku dhaqmayaan Qawaaniinta Qaramada Midoobay sidoo kale waxaa ku xusay si badheedh ah in ay dhaqal galinayaan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka  Baaqaas sida aan marar badan ka dhawaajinay waxaa ku qoran  Qod. 18 in la aamino dawladuna ilaaliso in ruux kastaa oo muwaadin ahi diinta ka noqon karo oo uu gaaloobi karo sidoo kale Qod. 17 waxaa ku qoran in Gabadha Muslimadda ahi guursan karto Nin gaal ah waana halka Mahinga loogu ogolaaday in uu Hablaheena Guursado isagoo aan ognahay in uu gaal yahay.

Shaqadaas waxaa Xassan ku saacidayaa Kudlad aad u xoog badan oo shar badan oo Culumo sheeganaysaa waxaana warar si khaas ah u helay sheegayaan in la aasaasay Urur Diimeed dhinac socon doona Xassan si ay umadda ugu qanciyaan in uu diinta allah dhaqan galinayo ama uu yahay Waliyu Amri ay waajib tahay in la adeeco culamada sidaa aaminsani waa kuwa waqtigu soo saari doono oo marka ay shaqo galaan idinkaaba ka maqli doona Idaacaha iyo TV yada laakiin tusaalaha ugu liita waxaan u soo qaadanaynaa mid ka mid ah wadaadaha la socda oo ugu hambalyeeyay doorashada uguna duceeyay in Allah ku saacido xilka ah in QM Kitaabkeeda iyo qodobadeeda ku dhaqmo in uu Xuquuqul Insaankaa ku dhaqmo in waliba isagoo u dhex raacinayaa in Soomaaliya dhibaatootay sidaa awgeed mid u hagaaga allah ka dhigo laakiin su’aashu waxay tahay ninkaan wuxuu ku dhaartay in QM qawaaniinteeda ku dhaqayo Muslimiinta Soomaaliya markaa sidee ugu hagaagi karaa ?  Wadaadka ducada diray waa Maxamed Idriis Axmed wuxuuna arinkaa ku sheegay bogga uu ku leeyahay aalada facebook.com waa sidan”Sh’Mohamed Idris

Alxamdulilahi wasalatu wasalamu calaa rasuulilahi, amaa bacdu, Doorashada ka dhacday maanta Muqdisho, ee lagu doortay Dr. Xasan Sh. Maxamuud, waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Ummadda Muslimkaa iyo Dalka iyo Diintaba Ilaahay khayr uga dhigo. In kasta oo ummuuraha Ummadda Soomaaliyeed ajaanib fara badan iyo cadow badan faraha kula jiro, dhagar iyo hagardaamona ku socoto, haddana Ilahay wuxuu doono ayaa soconaya si kasta oo cadowgu bilaayo u maleego.

Dadka quluubtoodana Ilaahay labadiisa farood dhexdooda ayey ku jiraan oo siduu doono u bedela. Waxaa iiga muuqdey Barlamaanka la dhisay, isagoon sidii la rabey iyo wada tashi dhaba oo ummadda aan lagu dhisin, haddana dad fara badan oo wanaag lagu yaqaaney ayaa iiga muuqdey, kuwaasoo hadaladooda ku muujinayey sida ay uga xun yihiin, in uganda iyo burundi xamar ku waar diyeyso. waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu dadka iyo dalka iyo diinta inuu khayr iyo wanaag uga soo saaro, awoodna u siiyo iney waardiyayaasha iyo yeerinta badan ee ajnebiga ka xoroobaan, ummada iyo dalkana nabad iyo khayr iyo qaran nimo islaam iyo walaaltinimo ku dhisan u horseedaan…”

Maxamed Idriis waxaa arinkaan ku kalifay anigu ma fahmin oo uu dadka indhaha ciidda uga shubayo waayo cadawga uu sheegayo iyo Shisheeyaha miyaa shaki ku jiraa in ay yihiin kuwa soo doortay oo nidaamkaan oo dhan dabarka kaga jira? Miyaysan ahayn kuwa Muslimiinta ku xasuuqayaa Jubbooyinka ? Waxaase intaa ka kasii daran oo aan idin waydiinayaa miyaad maalin kaliya aragteen Maxamed Idriis oo tacsi u diraya Muslmiinta la xasuuqayo ? Ma waqti buu u waayay mise in Xassan Sheekh Maxamuud loo hambalyeeyo ayaa ka fiicnaatay dhiigga shacabka Kenya laynayso allah ayaa talo ku filan insha allah Muslimiinta waa u gargaaraya taariikhdana qofkasta si bay uga warami doontaa oo waa dhab ah in Shariif Sheekh Axmed, Cabdullaahi Yuusuf, Siilaanyo iyo Faroole waxa ay umaddaan ku xusuusan doonaan ay tahay taariikh aad u madow iyo gaalaraacnimo sidoo kale rag badan ayaa lagu xasuusan doonaa hambalyada iyo salaamaha ay u dirayaan Dimuquraadiyadda iyo Ciidanka Xabashida iskana dhigaya Culumo kana aamusan Xasuuqa gaaladu ku wado shacabka iyo gawraca culumada rabbaaniyiinta ah lagu wado.

Akhuukum Bile Bilaal.