Safiirkii Dowladda Mareykanka u fadhiyey Liibiya Christopher Stefens oo la dilay, Kadib markii Filim cusub oo lagu caayey Nabi Muxamed SCW oo Nin Mareykan ahi uu soo saaray lasoo dhigay Barta Internetka.

Waddamada Masar iyo Liibiya Shacabka Muslimka ah ee deggan ayaa si caro leh uga jawaabay islamarkaana Dibadbaxyo falcelin wata kasameeyay Waddooyinka Waddamadaas, kadib markii Barta Youtubeka ee Internetka lasoo dhigay Filim cusub oo aad loogu caynayey Raseelkeennii Muxamed ahaa SCW, Filimkaasoo ay iska kaashadeen soo saaristiisa Nin Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Yuhuud, Iyo Nin Masri Kirishtan ah oo labadaba kunool Waddanka Mareykanka.

Dibedbaxayaasha Liibiya ayaa waxa ay weerareen Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay Magaalada Tripoli ee Waddankaas, Iyo weliba Qunsuliyadda Mareykanka oo ku taalla Magaalada Bengazi, waxana Dibedbaxayaasha u suuragashay in ay dilaan Safiirkii Mareykanka u fadhiyey waddankaas Christopher Stefens oo xilligaas ku sugnaa Magaalada Bengazi, Iyo weliba 3 katirsan Diplomaasiyiinta Mareykanka ee Waddankaas ku sugan, Waxana ay Dibedbaxayaashu dab qabadsiiyeen Safaaraddii iyo Qunsuliyaddii uu Mareykanku ku lahaa Waddankaas.

Dhanka kale Waddanka Masar ayaa waxa ka dhacay Dibedbax aad u ballaaran oo lagu bartilmaameedsaday Safaaradda mareykanka, Iyadoo la gubay Safaaraddii uu mareykanku ku lahaa Magaalada Qahira.