Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa!:- Weligaa ma aragtay ummad dhan oo intooda badan hal habayn wada sarqaama? Dadka Masiixiyiinta sheegta baa marka la gaaro Diseember waxaad arkeysaa iyagoo feysatadood Kirismiska, intooda badan, fasax gala dabadeedna kuwooda waaweyni aad u cabbaan khamriga intooda cabta marka laga reebo wixii shaqo ku jira sida dhaqaatiirta, booliska, kuwa xeebaha waardiyeeya, iwm! Xitaa maalinkaas inta badan diyaaradaha iyo gaadiidka dadweynahu ma shaqeeyaan!
Ilaa waagii Carta waxaan arkaa dadweyne Somaaliyeed oo markay dhowr sano joogaanba u dabbaaldegaya oo u hambalyeynaya madaxweyne la doorto! Lama tirin karo qoraalladaan ka qoray Eldoret iyo Mbagathi! Boqollaal ka badan! Markaan arkay waxa ka soo socda Mbagathi baan iri bal wixii wax fahmaya hal maqaal ugu sheeg khatarta soo socota markaasaan cinwaan ka dhigay:
Gabar Reerkoodkii laga soo Masaafeystay; Qaalliga oon Muslim ahayn; iyo Markhaatiyaashii oo Mid Keliya Marag Furi Karo!
Maaddaama ay Soomaaliya ku sheegaan neef geel ah ooy u baxsheen Maandaaq; baan anigu ka dhigay qof dumar ah oo Maandeeq la dhaho! Waxaan u sheegay inaysan qabqablayaashu geyin gabadhaas loogu afduubay Nairobi (Cagaarantii siyaasadda Soomaaliya)! Haba la afduubo gabadhaase; fiicnaan lahaydaa haddii loo geyn lahaa wadaad Axkaamley ah oo Muslim ah! Waxaa meesha qaalli ka ahaa Kiplagat oo gaal ahaa (qaalliga oon Muslim ahayn)! Soow muhiim ma aha in markhaati la helo haba la soo masaafeysto qof dumaree? Markhaatiyaashi waxay noqdeen waddamada dariska ah oo seddexdooda, labo ka mid ah, gaalo yihiiin – Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti! Xitaa ka dhig in Ina Cumar Geelle Muslim yahay! Hal markhaati baa la hayaa! Waxaa la rabaa markii haweenay la meherinayo ugu yaraan labo markhaati! Cinwaankaan qorayey ma ahayn khiyaali ee wuxuu ahaa waxaan ujeeddo! Waan uun:
قال تعالى: (أَوْ كَظُلُمَاتٍ فِي بَحْرٍ لُجِّيٍّ يَغْشَاهُ مَوْجٌ مِنْ فَوْقِهِ مَوْجٌ مِنْ فَوْقِهِ سَحَابٌ ظُلُمَاتٌ بَعْضُهَا فَوْقَ بَعْضٍ إِذَا أَخْرَجَ يَدَهُ لَمْ يَكَدْ يَرَاهَا وَمَنْ لَمْ يَجْعَلِ اللَّهُ لَهُ نُوراً فَمَا لَهُ مِنْ نُورٍ
Ka warran ummadda u qabta in haddii dadka wax-iskuma-falayaasha ah (xildhibaanno) ee Amisom hoos jooga in hadday qof noo dooraan aan horumar aakhiro iyo mid adduun gaareynno? Waxay ka dhigan tahay waa iyadoo qof xor ahaa inta la soo afduubo oo addoon laga dhigo; laga fisho inuu ka qiimo bato markuu xorta ahaa! Waa haddii qofkaasi uusan markiisii hore dulli ahayn! Hoosgalka gaalada waa lagu sii dulloobaa! Sidee qof sii dulloobay oo gaalo sii hoos galay kheyr looga sugayaa? Meeday waxaannu ka sheegi jirnnay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif? Maxaa xalay loogu ooyi waayey Shariif sheekh Axmed?
Waxaan aaminsanahay, inta ummadda Soomaaliyeed, caqligaas aan arkayo ku socoto – sida iyagoo u qaba in qof gaalo hoos galay samatobixin karto – inaysan u qalmin xornimo! Dabcan, Soomaalidoo dhan ma wada khaldana laakiin inteenna badan waan ka liidannaa xoolaha; sey markay dugaag arkaan waa ka cararaane! Innaga kii madaxweyne lagu sheego baa hambalyada ku bilaabaya gaaladii laayey carruurtii iyo cirroolihii!
Insha Allaahu waxaa naga bixi doona sarqaanka maandooriyaha aynnu cabbnay (madaxweyne la doortay) waxaannu soo baraarugi doonnaa iyadoo Kenya, Itoobiya, iyo Amisom halkooda ka sii wadaan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed! Waxaad dhowaan maqli doontaan iyadoo la leeyahay Kenyaa dukheysay magaalo hebla iyo ninkaas la doortay oon juuq dhihi karin! Ama Tigree iyo Amisom leyneysa macallimiin iyo ardey Qur’aan iyagoo qiil ka dhiganaya: waxay baranayeen Aayado ku saabsan Jihaadka! Muxuu sameeyaa ardey ku jira Suuradaha Anfaal iyo Towbah! Ma markuu arko askar Amisom ah oo soo galeysa dugsiga buu inta iska tuuro Kitaabkiisa iyo Looxiisa la soo baxaa loox ay ku qoran tahay Suuratu Yuusuf ama Suurat Al- Masad? Waxaan ka wadaa Qisooyin iyo Aayado aan Jihaadka dagaalka ah ka hadleyn? Ardeyga waxaa loogu imaanayaa Kitaab ama Loox ay ku qoran yihiin Suuradduu markaas marayo! Haka hadlayeen Aayadahaasi Jihaad ama wax kalee!
Haddaan Ilaahay nagu badbaadin Mujaahidiintaas; waxaan hubaa in ummad Soomaali oo kale ah u qalmin xornimo! Shakina iigama jiro in gaalomadowdu waddanka qaadaneyso haddaan laga waantoobin oo laga toosin sarqaanka noocaas ah een dhowrkii sanaba mar na soo mara!
Ninkaasi wuxuu hayaa waddaddii C/Laahi Yuusuf iyo Shariif sheekh Axmed! Waddaadaas qofkii qaadana waa la yaqaan wuxuu ku dambeeyo! Marka Soomaaliyeey inta iska deysaan khiyaaliga; fisha wixii C/Laahi iyo Shariif sameeyeen – gaalo-soo-gelin iyo gumeysi-gelin!
Yaa rabi lahaa inuu ku jiro nolosha Shariif Axmed ku jiro hadda? Ogaada, wuxuu heystaa malaayiin doollar! Saasooy tahay, caawa wuxuu jeclaan lahaa inuu yahay bare iskuul oo Xamar iska jooga oon cidna wax u raacaneyn! Haddaad i rumeysan weydaan; weydiiya isaga! Marka ninkaas cusub eed u hambalyeyneysaan waxaan u arkaa nin diintiisii, dalkiisii, iyo dadkiisii gatay! Wey i dhibeysaa inuu cadow gacanta usii galo! Ma jecli inaan u hambalyeeyo qof ku socda halaag!
Waxaa dhici karta in ninkani ka darnaado Shariif sheekh Axmed; isagoo isku xiraya Faroole, Axmed-madoobe iyo Qabuurogaleenka kaddibna la isku dayo in la damiyo Nuurka Ilaahay! Laakiin ma jirto cid damin karta Nuurka Ilaahay. Marka haddii ninkaasi wax isku hayo; ha dhaho: Itoobiya, Kenya, iyo Amisom waddanka haka baxeen! Waa hadduu rabo in Soomaali la hadasho! Haddii kale sidii Shariif haku hayo: ilaa nabad la helo; bixi maayaan gaalomadowdu! Ma la helay nabad?
Inkastoon meerisyadan soo socda u dhigmin arrintaas maxaa yeelay meerisyadu waxay ka hadlayaan wax dabiici ah laakiin arrintaas Soomaalida sarqaansan ma aha wax dabiici ah! Waxaan filayaa inuu Salaan Carrabey ahaa gabyaagii lahaa:
- Dumarkuba xublada foosha way, xanaf wareeraane
- Balse inay xasuus daran yihiin, xaylka kale mooge
Waxaa cad in Soomaalidu iska ilowdo wixii dhib ah ee ay noo geysteen gaalo-raacyadu! Ama sarqaannimo hal saac ah (madaxweyne-doorasho) na hilmaansiiyo dhibkaas loo geystay diinteennii, dadlkeennii, iyo dadkeennii! Wixii Amisom, Tigree, Mahiga, iyo Kenya noo geysteen baan ku ilownnay qowsaar la doortay!
F.G. Waxaa dhici karta in dadku is dhahaan: war ninkani waa belaayo-sheeg! Waa iskala boodayaa! Ilaa hadda waxaan ka sheegay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif sax bay ahaayeen; marka idinka Soomaalida ah keena caddeyn ah inaan khaldanahay! Haddaad keentaan oo ninkaasi naga saaro gumeysi dabadeedna kheyr aakhiro iyo mid adduun noo horseedo; waxaa igu WALLAAHI ah inaan bixiyo raalli gelin dabadeedna Allaah uga toobad keeno arrintaas aan ku khaldamay!
C/Waaxid C/Laah Khaliif.