Kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Afmadoow oo ah xarunta ugu weyn ee iminka ay ku suganyihiin ciidanka soo duulay ee Kenya Iyo maleeshiyaadka ayaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya duulaanka waxaana kulankaasi uu dhex maray saraakiil Somali ah oo qeyb ka ah duulaanka.
Warbixin Sir ah oo ay heshay Warbaahinta Islaamiga ah ayaa sheegeysa in kulanka uu dhacay ka hor weerarkii dhawan ka dhacay duleedka degmada Afmadoow kaasi oo Mujaahidiinta ay ku dileen askar badan oo meydadkooda ay soo bandhigeen ayaa Axmad Madoobe waxaa kulankaasi uu ku soo bandhigay qorshaha cusub ee ay ugu tala galeen Kismaayo waqtiga ay tagaan.
Waxa uu ahaa kulan Axmad Madoobe uu is tusay inaysan jirin cid ka hor taagan Kismaayo ayuu saraakiisha u sheegay In Kismaayo ay kula dhaqmayaan Maamul uu sheegay inuu yahay Milatari xasilinna doona arrimiha Jubooyinka waa sida uu hadalka u dhigay Axmad.
Xogtan oo ah mid xasaasi ah isla markaana kicin karta xiisad colaad ayaa warbaahintu waxay ka soo xiganeysaa sarkaal ka mid ah sarakiisha garabka midig ee la shaqeeya Amxad madoobe oo magaciisa noogu soo koobay (Maxamad Carab) inkastoo aanan xaqiijin Karin run ahaanshiyaha Magacaasi.
Waxa uu noo sheegay (Carab) In Hoggaamiyaha Maleeshiyaadka uu sheegay inay damacsanyihiin In Kismaayo ay ku soo rogaan muddo labo bilood ah Maamulka loo yaqaano Marshal Law kasi oo ah in awoodda inay leeyihiin ciidanka wixii ay doonaanna ay sameynayaan.
Wey adagtahay Kismaayo in la sugo amaankeeda laakiin waan ku qasbanahay ayuu yiri Axmad Madoobe waxaana uu sheegay in labadaasi bilood uusan wax maamul ah u sameyn doonin Magaalada ayna shaqeysan doonaan ciidan uu sheegay inay ku amran yihiin dilka dhaca boobka kufsiga Iyo wax walba oo keeni kara ayuu yiri in shacabka ay dalbadaan amaan in la helo.
Xogta aan heleyno waxay intaasi sii raacineysaa in MR.Madoobe uu sheegay in qabaa’illo badan oo ku sugan Kismaayo ay sheegteen magaca Ansaar oo uu ula jeedo inay taageersanyihiin Mujaahidiinta Al Shabaab laaakiin ay ka shalleyn doonan warkaasi iyaguna loo beegsan doono si xeeladeysan qeybna ay ka noqon doonaan dadka uu saameyn doono Marshal Law waxa loo yaqaano.
Banaadir Post.