Shariif oo Xusul Duub Badan Ugu Jira Sidii uu Madaxweyne Ku Noqon lahaa, Faroole oo arintaasi ka digay iyo Farance oo Laaluush Bixisay. (Warbixin)

Iyadoo maalinta barito ay ku beegantahay goortii la iclaamiyay doorashada madaxweynaha ayaa waxaa la dareemayaa xusul duub iyo xood-xoodasho ballaaran oo ay sameynayaan shaqsiyaadka ugu cad-cad musharaxiinta iyo ergooyinka shisheeye ee faragalinta ku haya Soomaaliya.

Inkastoo la sheegayo in ragga ugu horeeya ee ay Mareykanku wataan yihiin Axmad Ismaaciil Samatar, C/raxmaan Baadiyow iyo gudoomiyaha Jaamacadda Simad ayaa haddana waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa abaabul aan caadi ahayn oo uu sameynayo Shariif Sheekh Axmad si uu mar kale u noqdo madaxweyne.

Shariif oo ay dhiiragalinayaan safiiro ka socda dalka Faransiiska iyo saraakiisha ugu sareysa ee ciidamada Uganda ayaa adeegsanaya lacago badan oo uu siinayo xildhibaanada si ay codkooda u siiyaan.

Xildhibaano badan oo wajiyadooda qarinaya ayaa shalay iyo manta lagu arkayay madaxtooyada si ay jeebka ugu soo ritaan laaluushka uu bixinayo Shariifka oo ah mid ka badan kan ay dhiibayaan musharaxiinta kale.

Dowladda farance ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee reer yurub oo u istaagta sidii dib loo soo celiyo Shariif Sh/Axmad kadib markii uu dhawaan shaaciyay in diinta Islaamka uusan meelna uga soo dari doonin maamulkiisa haddii la doorto.

Taageerada ugu weyn ee ay Faransiisku siiyeen Shariifka ayaa waxay tahay in ay u iibiyeen codadka xildhibaanada taageersan Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Qorshahan ayaa waxaa lagu soo dhameeyay shir saacad socday oo ay dorraad magaalada Dubai ku qaateen saraakiil Faransiis ah iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan sida ay inoo sheegeen dad xog ogaal ah oo warkooda lagu kalsoonyahay.

Shariif Xassan ayaa codadka xildhibaanadiisa ku badashay lacag kor u dhaafeysa hal milyan oo Doolar, waxaana xusid mudan in dayuurad khaas ah lagu geeyay Dubai laguna soo celiyay Muqdisho maalin gudaheed.

Arintan ayaa dareen caro leh ku beertay qaar kamid ah u tartamayaasha kursiga madaxweynaha oo billaabay in ay cambaareeyaan abaabulka Shariif iyo ajaanibta ku taageereysa.

Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland Cabdi raxmaan Faroole oo u waramayay Idaacadda dowladda Ingiriiska ayaa ka digay xusul duubka uu wado Shariifka, isagoona sheegay in aysan u dul qaadan doonin in mar kale kursiga lagu soo celiyo dad u fashilmay oo horey lasoo tijaabiyay.

Shariifka ayaa waxaa abaabulkiisa ku saacidaya xaruntii madaxtooyada oo uu wali dagganyahay, dhaqaalahii uu lunsaday iyo arimo kale. Saasoo ay tahayna waxaa la sheegayaa in wali saddax nin ay uga sii horeeyaan kursiga madaxweynaha kuwaasoo qaarkood sameynaya abaabulka dibad baxyo iyaga lagu taageerayo.

Ilaa iyo hadda ma cadda qofka laga sii dooranayo afarta ugu horeysa tartamayaasha inkastoo xaqiiqadu tahay in shisheeyuhu u dooranyahay ninka madaxweynaha noqonaya.

Mareykanka iyo Yurubta raali kama ahan in la fashilo qorshohooda sidaa darteed Augostin mahiga oo iyaga ka wakiil ah ayaa aad u canaantay Salaad Cali Jeelle oo kamid ah musharaxinta kaasoo khudbaddiisa ku sheegay in waxa la isku dooranayo yihiin laaluush, isaguna uu diyaar u yahay inuu bixiyo.

Dhammaan xildhibaanada iyo musharraxiinta oo u badan dad heysta dhalashada wadamada Yurub iyo Ameerika ayaa lagu tilmaamay kuwa aanan ugu yaraan xitaa ka tarjumeyn Soomaalinimada marka loo eego hadaladii ay jeediyeen oo ahaa kuwa muhiimadda kowaad lagu siiyay raali galinta wadamada shisheeye.

Haddaba maalinta barito ayaa lagu wadaa in ay is doortaan muwaadiniinta reer galbeedka, waxaana laga dhur sugayaa sida ay wax noqdaan iyo cidda ay iska dhex doortaan.

Shariif Sh.Axmed “Kitaabka Allaah iyo Axaadiista kuma dhaqanee, waa in aan Dastuurka cusub Kitaab ka dhigannaa oo aan ku dhaqanaa” (Dhageyso).
Shariif Sh.Axmed oo Culimada Islaamka Riddo ku xukumeen ayaa markale ku qowlay Erayo Gaalnimo muujinaya sida isagoo isbarbar dhig ku sameeyay Kitaabka Alle iyo dastuurka Mahiga kadibna Yiri “Kitaabka Alle waan qaadan weynee aan Qaadano Dastuurkan aanan ku dhaqanno.

http://soundcloud.com/bana-4/shariif-sh-axmed-kitaabka

 

 

http://soundcloud.com/bana-4/shariif-iyo-janaqowma-anigaa

“ Maanta dadkii Muslimiinta ahaa Qawaaniyiin Wacdi ah oo u horseeda Kufri iyo halaag ayay isku Xukumayaan iyadoo uu Kitaabkii Illaahay uu horyaallo, Kitaabkii ayaan ka tagnay aduun iyo Aakhirana bad baadaa rabnaa”. Kalimadahaasi waxay qeyb ka ahaayeen Khudbad uu Shariif Sheekh Axmed uu jeediyay Xilligii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah.