Waxa caawa Hotelka City Plaza oo ay ka socotay Xaflad taageero doon ah oo uu soo abaabulay Shariif Sheekh Axmed istaagga kaga dhacday mid ka mid ah xaasaskiisa gaar ahaan tan yar xilli uu Ninkeedu Qudbad u jeedinayey Taageerayaashiisa..
Ka soo qeybgalayaashii xafladda oo ahaa Taageerayaasha Shariif Sheekh Axmed ayaa aad isugu dhex yaacay markii ay arkeen mid ka mid ah Xaasaskii Shariif Sheekh Axmed oo istaagga ka sii dhacaysa, xilli labada xaas ay garbaha ka taagnaayeen, Waxana durbaba Madaxa Gacmaha saartay Dumarkii Hoolkaas joogay ee Xafladaas kasoo qeybgalay, Iyadoo Hakad uu galay khudbaddii Shariif Sheekh Axmed , Waxana Xafladda toos looga daawanayay TV-yada Soomaalida qaarkood.
Weli Lama oga xaaladda soo wajahday Xaaska Shariif Sheekh Axmed iyadoo qudbadda uu soo gabagabeeyey isagoo aysan garbahiisa ku sugnayn labadiisa xaas, maadaama mid kamid ah ay isataagga ka dhacday oo lala cararay.
HOOS KA DAAWO VIDEOGA.
Comments are closed