“ Waxaan ahaa ninkii Airpor-ka kusoo dhaweeyay Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidamada Amisom ee hadda na ilaalinaya, qof taas igu heysata maa jirta” Waxaa yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle: “ Lacagtu waa qaadasho, Codkana waa aniga”

Isagoo ka hor hadlayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ayaa Salaad Cali Jeelle waxa uu ku faanay inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee dalka kusoo dhaweeya Ciidamada Shisheeye ee Amisom oo la ogyahay xasuuqa iyo gumaadka ay u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

“ Waxaan ahaa ninkii Airpot-ka kusoo dhaweeyay Cutubkii ugu horreeyay ee Ciidamada Amisom ee hadda na ilaalinaya, qof taas igu heysata maa jirta” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle oo hadalkiisa uu u muuqday sida qof ka hadlaya Masrax ama Tiyaatarka Majaajillada ayaa sheegay in isaga uusan dhaqaale heysan, balse ay ka go’antahay inuu u tartamo xilka ugu sarreeya ee Dowladda la dhisi doono, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay in Musharixiinta kale ay lacagta ka gurtaan, isagana ay doortaan.

HOOS KA DGAEYSO

http://soundcloud.com/bana-4/codkasalaad-cali-jeeleigu