Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa: Sheekh baa xusay in marka ilmuhu yar yahay uu soo maro marxalad uu u heysto in hooyadii dadkoo dhan ka adag tahay! Waxaa la arkaa isagoo markuu hadal-barad yahay ku hadaaqaya: hooyo iga celi aabbe! Waa la fahmi karaa caqligaas maaddaama hooyadu ugu dhowdahay ilmaha.
Saasoo kale baa Shariif sheekh Axmed u qabaa in Museveni ka adag yahay Midowga Yurub iyo Maraykanka. Museveni wuxuu Shariif ka fujiyey Ina C/Rashiid! Sidii malaaq Showri sheegayna, janan u dhashay Ugaandha baa bistoolad madaxa ka saaray Farmaajo markii la ceyrinayey! Weliba iyadoo bannaanbax loo dhigay Farmaajo! Hadda waxaad mooddaa in Shariifku u qabo in Museveni ka celin karo Midowga Yurub iyo Maraykanka.
Run ahaantii, Beesha Gaaladu waa ku hungowday Shariif sheekh Axmed. Waxay u qaateen maaddaama uu ahaa hogaamiyihii Midowga Maxkamahada inuu kala furfuri karo Mujaahidiinta! Waxay arrintu ku dambeysay inuu la mid noqday xayaawaan ku jira beerta xayawaanka oo iyaga ka sugaya nafaqo iyo dawo!
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلاً رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَآ أَبْكَمُ لاَ يَقْدِرُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلاهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لاَ يَأْتِ بِخَيْرٍ
Intaas waaba sii dhaafoo wuxuu Shariifku sii kala jabiyey Suufiyaashii Zenawi sameeyey markuu mid ina adeerkiis ah jeebka soo gashaday!
Xaqiiqdii shacabka Soomaaliyeed baa Shariif ka badshay Midwogii Maxkamadaha iyo Beesha Gaalada! Midowgii Maxkamadaha waxay nooga dhigeen Shariifka Hogaamiye diimeed halka dadweynaha Xamar dhaheen: Shariif la soo gamay! Dadka qaarkiis gamid iyo tuurid isku si bay u isticmaalaan. Markaad maanso tirineyso iyadoo xarafka qaafiyadda la ilaalinayo waa la isku bedeshaa gamid iyo tuurid laakiin inta badan waxaa gamid/ganid loo isticmaalaa hootooyinka, warmaha, fallaaraha, iyo gantaalaha! Dhagaxa badanaa tuurid baa loo isticmaalaa. Madaafiicda iyo hoobiyana garaacid ama dukheyn iyadoo bambaanooyinka diyaaraduhu soo tuurayaanna la raaciyo. Xabbadahana ridid!
Badanaa qofka la yiraahdo cirkuu ka soo dhacay ama waa la soo gamay waa qof inkaaran oon caqli ku filan lahayn ama qof la soo adeegsaday oo sidii eeygii lagugu soo diray! Ma garanayo magac ka saxsanaa kaas dadweynuhu u bixiyeen Shariifka! Waxaan ku jiray dadkii difaaci jiray isaga! Waxaan is lahaa hogaamiyayaal Mujaahidiin ah qof xun idiin ma soo xuli karaan! Markii diyaaradda loogu qaaday Nairobi baan ka xarig furtay! Weli waxaanan fahmin waxa markuu Asmara tagay dib loogu doortay? Dadka dib u doortay waxaa ku jiray dad kheyr badan oo qaarkood Jihaadka hadda ku jiraan! Waa dad labo jeer god laga qaniinay! Wadaaddada qaarkood waxayba dhaheen: xildhibaannadii Shariif waa kuwa ugu wanaagsanaa ee abid soo mara dunida Islaamka maaddaama ay 100% isku raaceen in Shareeco la isku xukumo!
Iyadoo labada eray ee gamid iyo tuurid la isku beddelen karo mar mar, haddana, markii la yiraahdo hebel waa la soo gamay iyo waa la soo tuuray waxay kala leeyihiin micnayaal iska soo horjeeda! Tan soo gamidda waan ka soo hadlay. Haddii la yiraahdo hebel waa la soo tuuray waxay badanaa u dhigan taa: waa la soo tufay! Waa laga dhammeystay oo waa la soo ceyrshay! Insha Allaahu waxaan rajeynayaa in dhowaan loogu yeeri doonno: Shariif la soo tufay ama lasoo tuuray!
Manala tahay in Shariif iyo Tarsan rabaan inay Midowga Yurub iyo Maraykan ku handadaan: haddaan dagaaloogayaasha la soo celin, sidoo kalana dib loo soo celin Shariif sheekh Axmed in Xamar laga sameynayo bannaanbaxyo lagu muujinayo sida dadka Muqdisho deggen u taageersan yihiin dagaaloogayaasha iyo Shariifka? Taasi waxay muujineysaa sabinimadooda siyaasadeed! Soow hadda ka hor dadweyne u careysan Farmaajo ma sameyn dibad-baxyo? Soow Tarsan ma ahayn ciddii wax ka agaasimeysay muddaharaadyadaas? Muxuu bannaanbax hadda la sameeyaa kaga duwanaanayaa kaas? Reer Galbeedku waa ogyihiin inaan Soomaalida badankeeddu qaddiyad lahayn! Waa ogyihiin haddii ciidanka Amisom labo qof ka dilaan bannaanbaxayaasha inay kala cararayaan dadku!
Tarsanka iyo Shariifka u doodaya dagaaloogayaashu waa kuwama? Shariif waa lawada yaqaan! Waxaan xasuustaa aniga iyo Tarsan waxaan ku jirnnay tobonnaan qof oo bannaanbax ka sameynayey safaaradda Maraykanku ku leeyahay London 2006-dii! Waxaan ka cabaneynney taageerada Maraykanku u fidiyey dagaaloogayaasha markay ku shireen gurigii Qanyare! Waa markay la baxeen magacaad wada garaneyseen laakiin shacabku ugu beddelay Ashahaado-la-dirir! Tarsan wuxuu maalinkaas noo hayey cod-baahiyaha! Waxaan xasuustaa inaan dhegta Tarsan ugu sheegay oon ku iri: Maraykankaas taageeraya dagaaloogayaasha Xamar; safaaraddooda London waa diidday inay bixiso lacagta laga qaado baabuurta ku dhex socota bartamaha London maalmaha shaqada (congestion charge). Tarsan arrintaas cabbaar buu kaga qeyliyey safaaradda horteedii! WALLAAHI meeshaas aan weli taagnahay baa xageyga looga jacayl badan yahay madaxweynanimada Shariif, guddoomiyenimada Xamar ee Tarsan, iyo adduun kale! Anigu dunuubteydu ka badan ciidda iyo xumbadda badda laakiin waxaan ka hadlayaa mabda’a. Allaha na sugo.
Hadda Tarsan iyo Shariifku waxay wadaan inay sameeyaan bannaanbaxyo lagu muujinayo rajo-xumada soo food saartay Sharif sheekh Axmed! Waxaa dadka lagu dagaal gelinayaa in laga dhiidhiyo hor-istaagga lagu sameeyey dagaaloogayaashu inay galaan baarlammaanka! Xaqiiqdii, ma filayo in qof caqli leh oo Soomaali ahi u doodayo dagaalooge haddana lama waayayo dad danyar ah oo inta sambuus ama shilimaad la siiyo la soo jafo ama dad caadifad qabiil waddo!
Hadday Beesha Gaaladu rabto inay Shariif sii heyso, siday horay u sameeyeen bay sii heyn lahaayeen iyagoon lacag ku bixin doorashooyin iyo wax kale midnna. Haddeerba hal sano iyo bar ka badan bay ugu dareen labadii sano ee la doortay! Waxaa wax kasta gaalada uga daran waa Shariifka shimbirta ah ee bilaabay inuu is xanaajiyo! Inuu dhaho haddaan teyda la yeelin waxaan kicinayaa shacabka Muqdisho! Iska daa bannaanbax la sameeyee waxay gaalo la yaabban tahay: see Shariif iyo wax la mid ah ugu dhiirran karaan inay waxaas ku fekeraan iska daa inay sameeyaane! Soow C/Laahi Yuusuf, Geeddi, Nuur-cadde, iyo Axmed C/Salaam iskama tegin? Manala tahay in Shariifka iyo Tarsan ka taageero badan yihiin nimankaas? Runtii, Tarsan iyo Shariifku, maba fahmi karaan waxa nimankaas kale garteen! Waa waxaan u leeyahay waa sabiyo-siyaasadeed!
Sabinimada siyaasadda Shariif waxaa ka mid ah inuu dhowaan saxaafadda Talyaaniga ku lahaa: Talyaanigoow waa la idin ka qaaday Soomaaliya oo Norway iyo Ingiriis baa idin bara bixiyey! Khudbadiisii u dambeysay markuu sheegayey madaxdii Xamar timid dhowaan wuxuu xusay Ina Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha Turkiga! Ma xusin wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, William Hague! Ma filayo in Shariifku hilmaamay arrintaas ee kas buu u yeelayaa oo wuxuu u xanaaqsan yahay Shirkii London isagoo u arka in Shirkaasi ka soo horjeeday dib-u-doorashada Shariifka! Shariif waxaa la weyn isbatoorayaal iyo taneetiyo u dhashay Itoobiya, Burundi, iyo Ugaandha! Wuxuu u qabaa Ingiriiska iyo Talyaaniga labo qabiil oo Soomaali ah oo Zenawi midba dhegta wax ugu sheegayo oo run u qaadanaya!
Shariif iyo Tarsan waxay sameynayaan wax Hitler horay u sameeyey! Markii Hitler qabsaday Poland baa Ingiriisku iclaamiyey dagaal ka dhan ah! Waxaa dhacday in si dhaqo leh Jarmalku u qabsaday Paris! Hitler oo is leh dadweynaha Britain u dhashay ku kici ra’iisul wasaarahooda si Jarmalka loola heshiiyo baa diyaarado ku dukheeyey magaalooyin ay London ku jirto! Maxaa dhacay? Arrintu waxay noqotay cagsiga wixii Hitler rabay oo shacabka Britain waxay dhexda u dhuuqsadeen la-dagaalka Jarmalka waxayna sii taageereen xukuumaddooda.
Khudbadii Shariifka waxaa ku jirtay in dowladdiisu sameysay horumar! Wuxuu is hilmaansiinayaa in markii gaaladu dooratay isaga ay Shabaabku joogeen oo keliya Kismaayo! Hadda imisa magaalo baa Shabaabku joogaan? Marka maba kala yaqaan baad is leedahay kororka iyo naaquska! Teeda kale, calal-uusta Soomaaliyeed ee Shariif la joogta in badan oo ka mid ah waa kuwii la joogay C/Laahi iyo Geeddi. Iyaga ninkii hooyadood guursada waa u adeerkood! Waxaan ka wadaa Midowga Yurub iyo Maraykan waxa howsha u haya waa calooshood-u-shaqeystayaal gaalo-madow ah iyo kuwa Soomaaliyeed! Dhib kuma hayo in addoonkey keenayaan ahaado Farmaajo, Gaas, Salaad Cali Jeelle, Caddow ama Shariif oo la soo cesho! Marka ninkii u qaba in Museveni oo u khidmeeya Yurub iyo Maraykan ka celin karo iyaga waa caalle!
Labo Wanaagsan Middood baan Sugayaa Doorashada la Sheegayo Kaddib!
1- Inuu soo daahiro in gaalo jabtay oo Shariif iyo Tarsan ku khasbaan in Shariif waqti loogu daro! Hadday taasi dhacdo waxaa muuqaneysa in haddii Shariif sanka ka tolay gaalo, in innaguna aan ka adkaan karnno gaalada! Marka doorashada Shariif waa guul muujineysa jabka gaalada. Marka dhinacaas laga fiirshana waa farxad. Teeda kale in Shariifka la soo cesho baa u fiican Mujaahidiinta maxaa yeelay Shariif lama heshiin karo Faroole, Axmed-madoobe, Caalin, iyo Qabuurocaabudka! Waxaa noo daran in la keeno oday hargaanti ah oo nimankaas u mideeya si ay Mujaahidiinta ula dagaalaan.
2- Waa la ogyahay in markay Nabiyaashu ka quusteen dadkii loo diray inay jeclaan jireen inay ku indho qaboowsadaan cadaabkooda. Marka insha Allaahu waxaan rajeynayaa inaan ku indho qaboobsanno ninkaas diintiisii gatay oo haddeertaan ku haya: hala kala saaro diinta iyo dowladda oo la ceyrshay! Waxaa qosol leh: degmooyinka uu sheeganayo inuu magacaabay waxay ku wada yaallaan dhulka qabiilka uu wax ku qeysanayo deggen yihiin! Ma fahmi waayey xitaa inuu dhaho tuulo kale oon qabiilkiisu degen wuxuu ka dhigay degmo si uu dadka u khaldo?! Bal aan sugnno Isniinta oo ah 23/Shawaal 1433 kuna beegan 10-ka Sibteembar.
إِنَّ مَوْعِدَهُمُ ٱلصُّبْحُ أَلَيْسَ ٱلصُّبْحُ بِقَرِيبٍ
F.G. Hala ogaado in Shariifka iyo waxa tartamaya ee kale isku mid ii yihiin! Waxaan Shariifka xoogga u saarayaa waa isagoo khiyaamay diintii iyo Muslimiintii! Waa nin aan madaxa saarannay waaguu hogaamiye Maxkamadeed ahaa. Waa nin xitaa khalday kuwo wadaaddo sheegta. Marka jabkiisu waa guul usoo hoyotay Muslimiinta.
C/Waaxid C/Laahi Khaliif