Xilli ay socdaan dagaallo xoogan oo u dhexeeya Xarakada Shababaabul Mujaahidiin oo si toos ah u maciinsanaysa Allaah SWT islamarkaana taageero ballaaran ka helaya Shacabka Muslimiinta Soomaaliya, iyo Isbahaysi ballaaran oo ay leeyihiin ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay Soomaaliya ayaa warbaahinta Caalamka ee ka hadasha arrimaha Millitariga iyo Straatiijiyadda waxaa ay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku tilmaameen kuwo xeeladeysanaya oo la ficiltamaya ciidamada duulaanka ku ah iyagoo meesha ka saaray in ay wajahayaan wax guul darro ah habayaraatee.
Wargeysga The Strategy Page oo ka hadla arrimaha Strategiyadda Xarakaadka Jihaadiga ah ayaa warbixin dheer oo uu ka qoray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya waxaa uu ciwaan uga dhigay “Alshabaab Lama Jebin Laakiin Dib u gurasho xeeladeysan ayay galeen”.
Hadalka Wargeyska oo oo dheeraa ayaa lagu sheegay in Xarakada Shababaabul Mujaahidiin ay wajahayaan wax wargeysku ugu yeeray gaashaanbuur ay ka go`antahay inay Alshabaab baabi`iyaan, isagoo intaasi ku daray in Shabaabul Mujaahidiin oo taariiq kule dagaalada ay wadaan qorshayaal ay isugu diyaarinayaan inay cadowga ku naafeeyaan , waxaana wargeysku intaasi ku sii daray in wallow Xarakadu ay si nabadgelyo ah uga baxday magaalooyin waaweyn oo Muqdisho ay ka mid tahay hadana aan marna la oran Karin way jabeen, islamarkaana ay leeyihiin awood ciidan oo dhamaystiran oo ay ku fuliyaan holwgallo halis badan oo nuuc waliba ah.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee jihaadka culus ka wada wadanaka bariga Afrika ku yaalla ee Soomaaliya ayaa wargeysku ku tilmaamay inay yihiin dagaalyahanno aad u adag islamarkaana ka guul keeni kara ciidamada Xulifada ah maadaama ayuu yiri ay yihiin rag isku xiran caskari ahaan iyo amni ahaan oo saacad waliba amarkii soo baxa dhaqse ku dhaqan geliya.
Dhanka kale ciidamada shisheeye ee ka socda dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Sierraleon oo ay kaabayaan kumanaan ciidamo Itoobiyaan ah maleeshiyaad Soomaali ah iyo xoogagga shisheeye ee Nato iyo Mareykanka ayuu ku tilmaamay inaanay dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya uga degsanayn wax Strategiyad ciidan ah marka laga reebo qabsashada deegaanno loo baneeyay.
Tallaabadaasi ayaana wargeysga The Strategy Page ku tilmaamay mid soo dadajin karta jabka shisheeyaha oo u muuqda kuwo cagta saaray wadadii ay ku baabi`I lahaayeen maadaama aanay jirin ilaa iyo hadda wax cadaynaya inay cagta mariyeen awooddii ciidan ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii Shabaabul Mujaahidiin ay isaga bexeen magaalooyin dhowr ah islamarkaana ay bedeleen wajahaddii dagaalka ayaa waxaa si aad ah isu soo taraya qasaaraha ciidamada Shisheeye waxaana wadooyinka dhaca wilaayaatka Sh/hoose /Dhexe iyo jubooyinka ay noqdeen kuwo martigeliya bur burka gaadiidka gaashaaman ee shisheeyaha oo si qar iska xoornimno ah ku soo galaya wilaayaatkaasi.