Tusaaleyn mahigaa kuqoran tubaha rodmap-e
Tacliin gaara weeyaa layiri oon la taabeyne
Taangigii yugaandheyska baa tooko loo koriye
Tafaraaruq beelood ayaa loo tartama yaaye
Tiinbaraha markii lagu dhuftee taargo loo yeelo
Nin walbaa tolkiisaa la oran calan usoo taage
Talo qaranna waa laga tiraa weys tuhmaayaane
Hadba meel laga tuugsadaa tigidho loo siine
Talaata madaxweyne iyo toban kaloo raacday
Tacsidii tigreegii dhinteey taay u qaateene
Tiiraanyo bay muujiyeen talo galkoodiiye
Ilin bay tiraayeen ilaah wada tahluukeeye
Kii tolkeenni laayey tebeen tabar mayeeshaane
Sida meel lagu wada tuntay shalay tubnaayeene
Tabliiqeeni kaaraan asaa mariyey tooreeye
Taangiyada waa kii la dhacay tegayey meel dheere
Towjiid halkii laga maqleey tow ku toog teene
Tiin-land iyo tiir-state taran bahdood seegta
Waxa uu ku taamaayey baan tiiro loo heyne
Tafa xume hadduu naga tegoo waa turaab gale
Inkastuu tarriiquu waxbadan taako taakeeyey
Haddeer bay tolmeysaa haddaad wada tallaashaane
Toobiyaha wanaaga leh kuduwa tuugaduu diida
Ku tacaala soomaaaliyeey waa tirtiran teene
OO takbiirta intaad dhuujisaan talo ilaah qaata
Taariikhda may dhicin inuu nagu tuntaa gaale
Taneetiga taqsiimaysan buu noogo taagsadaye
Taajir maalin tooshkuu sidaa toosiyoo haga e
Tusbax goay inay naga dhigaan bay ku taamaane
Tahliishood nimay taabataa towbad seegaahe
Taakuleynta toodaa kataga ways tixraacaane
Waxba yeey timir iyo nasiin tarraq ya baaruude
Waxba yaan tahriib caafimaad turki naloo geyne
Taabta iyo intaad wada tagtaan toogta cadowgiina.
Waxa tiriryey:- Xagaleey.