Maxaa kala Heysta Degmooyin-bixinta Shariif iyo Doorashadiisa!(Maqaal)W/Q: Ustaad Cabdiwaaxid Khaliif

 

Ilaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa!

 

Weligay ma arag nin ka deeqsisan Shariif sheekh Axmed! Diintiisii oo dhan buu bixiyey hal habayn si madaxweyne looga dhigo! Murtadnimadii waa isku sii caddeeyey oo dhowaan buu saxaafadda Talyaaniga ka lahaa: waxaan aamisan nahay in diinta iyo dowladda la kala saaro! Waa hadal uu maqlay intuu ku xareysaan Madaxtooyada!

Intaanan u gelin degmo-bixintiisa aan is xasuusinno wuxuu qabtay Shariif intuu sheeganayey madaxweyne? Wax-qabadkaan sheegayo waa: muxuu u qabtay gaalada? Waxba! Marar badan baan sheegay inuu la mid ahaa daanyeer ku jira beerta xayawaanka oo markii la rabo in shacabka lacag laga helo inta la soo saaro la yiraahdo: xayawaankani wuxuu ku dhowyahay inuu dabar go’ haddaan la caawin! Saasoo kale baa “dowladda Soomaaliyeed” ee la sheegayo loogu dawarsadaa si gaaladu shucuubtooda uga hesho lacag lagu maalgeliyo Amisom.

Yaa garanaya waxaan ka ahayn inta Shariif soo gashado dharka isboortiga, laguna soo qaado gaari qafilan dabadeedna hadal ka jeediyo meel dumar ku ciyaarayo kubbadda koleyga! Ama isagoo gashan tuutaha milatariga inuu ka khudbeeyo magaalo Amisom qabsatay! Xitaa Suufiyaashii Zenawi xukumayey buu isku sii diray! Yuu soo xero galiyey? Axmed-madoobe, Faroole, ama Siilaanyo? Ma isku fiican yihiin isaga iyo wakiilka Zenawi ee Soomaali Galbeed, Cabdi Maxamuud Cumar?

Saasooy tahay haddii gaaladu faraha ka qaadi lahayd in waxay odayaashu soo xuleen doortaan madaxweyne, wuxuu ahaan lahaa ninka la doorto! Sababtu waxay tahay wuxuu hoos galay Museveni, Zenawi, Carabaha, iyo Turkiga! Waxaa dhacday in Turkigu qaadeen odayaashii dhaqanka oo dhan! Wuxuu heystaa Tarsan iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood! Shirkii London ee Ingiriisku ku soo boodday baa shaki weyn dhaliyey! Turkigiina cagajiid bay hadda noqdeen markay arkeen Ingiriiska iyo waddamo kale oo soo galay.Turkigu waxay u qabeen in Shariif iyo Aalu-sheekh la mid yihiin Ikhwaanka Masar oo kale! Turkigu waxay is dhaheen waxaad reer Galbeedka ka xigsan doontaan Soomaaliya! Waxaa soo baxday in Soomaalidaasi yihiin: calooshood-u-shaqeystayaal.

Hadday Indho-adag arooskeeda ka boodday, Shariifna isagaa gacantiisa ku qortay buuggiisa tacsida! Waxaa soo baxday wuxuu yahay – macallin arday iskuul wax u dhigi jiray! Wuxuu bilaabay inuu dadkii sayidka u ahaa (gaalada) isku xanaajiyo! Beeshii gaaladaa yaabtay! Waatuu Kenya ka soo carooday! Waa tuu isku taagay dadkii gaaladu u dirsadeen arrimaha doorashooyinka ee lagu sheegay guddi Farsamo! Heer wuxuu gaaray Shariif uu u doodo dagaaloogayaashii diin, dal, iyo dad dhibay! Waxaa qosol leh waa gaaladii oo leh: yaan xubin baarlamaan laga dhigin dagaalooge; iyo Shariif oo Qanyare iyo Xaaraan-ku-naax hoosta ku wata!

Waxa sii caddeeyey inuusan fahi karin sida gaalo u shaqeyso waa iyadoo saxaafadda Talyaanigu qortay inuu Talyaaniga ku yiri: waddankii waxaa qaatay Norway iyo Ingiriis! Maba oga in Talyaaniga, Norway, iyo Ingiriisku isku mid noo yihiin! Wuxuu ka wadaa adaa na gumeysan jiray oo naga xiga kuwo kale! Waxaannu Shariifku ogayn inaan Talyaani kali ah na gumeysan jirin ee Ingiriis iyo gaalo kalaba na gumeysatay! Xaqiiqdii gumeysiga Talyaaniga baa ka darnnaa kii Ingiriiska!

Maaddaama Shariifku xitaa uusan fahmeyn nifaaqa siyaasadda buu u qabaa in Museveni iyo Talyaani wajihi karaan Maraykan iyo Yurubta kale! Wuxuu la qeylinayaa waa iyadoo uu arkayo Norway, Ingiriis, Faransiis, iyo Kenya oo shidaal-doon ah! Waddamadaasi ma rabaan nin Shariifka oo kale ah oo kala xigsanaya Kenya iyo Ugaandha oo qabiillada qaar ku leh: iska cesha Kenya!

Fiicnaan lahaydaa in Beesha Gaaladu dib u soo celiso Shariif! Iska daa Puntland iyo Somaliland ee xitaa Shariif lama heshiin karo Axmed-madoobe iyo Maxamed Cabdi Kaliil! Haddii Shariif la doorto waxay ka dhigan tahay iyadoo Museveni xukumo waddanka! Museveni iyo Kenya waa kala dan! Tartan baa ka dhaxeeya! Kenya daris bay nala tahay oo maalmo gudahood bay carqaladeyn kartaa arrinta Amisom!

Usoo noqo arrinta degmooyin-magacaabidda! Soomaalidu arrinta Shariif oo kale waxay ka tiri murti badan! Waxaa ka mid ah: ciyi waa’ ka beryey; ninkii cunay baa ka liita! Wuxuu madaxweyne sheeganayey seddex sano iyo bar ka badan dabadeedna waqtigiisii kaddib buu leeyahay: degmooyin baan magacaabayaa! Jagooy nin ku doonay ku waa’! Ama oraahdii ahayd: markaan naf hayeynna; talo ma heyn; haddoon talo hayana; naf ma hayo!

Khasab ma aha in qabiilka Shariif madaxweyne noqdaan maaddaama iyagu hadda ahayeen! Haddayse khasab noqonto in iyaga lagu cesho; ma filayo in Beesha Gaaladu ka ilduufeyso inay keensadaan niman siyaasiyiin ah oo gaalada u keeni kara dan weyn sida Caddow, Baadiyoow, iyo kuwa kale! Hadday gaalo soo celiso Shariif; waxaa xaqiiq ah inay gaalo jabtay! Waxaana qof kasta oo Soomaaliya mudan yahay inuu farxad darteed Ilaahay ugu mahad celiyo haddiiba reer Galbeed ka marayso in Shariif ku khasbo in dib loo doorto! Gaaladu waxay gacanta ku sii hayaan Museveniga  madaxda u ah Shariifka! Waa laga yaabaa in Maraykan iyo Ingiriis ku dhahaan Museveni: waxaan kuu keeneynnaa qof kale oo ka yimaada qabiilkaad rabtid!

Haddii la ceyrsho Shariifka waa guul kale! Oo insha Allaah, hogaamiyayaashii Mujaahidiinta oo soo taagan baa Shariifkii diintiisa gatay iska tagayaa! Mar horaba afhayeenka baarlamaanku waa nin Norway deggennaa oo galaangal ku leh Nairobi! Macquul ma aha in Maraykanku howsha Kenya iyo Axmed-madoobe ka doorto Shariif sheekh Axmed oo qafis ku jira, gaari qufulanna lagu qaado! Saan horay u sheegay haddii loo baahdo waxaa Maraykan helayaa qof kale oo qabiilka Shariifkaa. In Shariif tagayo waxaa laga fahmayaa cabaadkiisa iyo isagooy hadda ka gaartay inuu leeyahay: Talyaaniyoow Soomaali lagaaga dheeree! Ama uu leeyahay hala kala saaro diinta iyo dowladda! Meeye wadaaddada u doodi jiray Shariifka?

 

C/Waaxid C/Laahi Khaliif.