Bartamihii sanadkii 2008-da ayay gobolka Galguduud kasoo muuqdeen kooxo mushrikiin ah oo huwan magaca jamaacada suufiyada balse waxay ahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo noocooda aan laga aqoonin Somaaliya iyo caalamka.
Maleeshiyaadkan oo dhismahooda lagu soo beegay xilli ay dalka Somaaliya ka bixi rabeen ciidanka Xabashida oo waqtigaasi naafeysnaa ayaa durbadiiba dagaal u iclaamsaday mujaahidiinta Somaaliya gaar ahaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkii ugu horreeyay ayay mushrikiintu ka bilaabeen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud halkaasi ayay isku fara saareen ciidamo Xisbo ah kadibna dagaalku wuu ballaartay wuxuuna ku faafay Galguduud inteeda badan.
Mushrikiinta oo taageero Milleteri ka helayey Itoobiya dhanka maaliyadana ay uga imaanaysay Midowga Yurub iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi waxay isku dayeen in ay muquuniyaan qabaa’ilada Ansaarta ah ee Galguduud dega iyo XSHM.
Shakki kuma jiro in dhaqaale iyo maskax badan lagu bixiyay dhismaha kooxdan balse malahayn hadaf guuleysan karo maadaama uu sheydaan garbahooda taagnaa waana ciribta ay ku dambeyso cid walba oo isku dayda in ay diinka Allaah ladagaalanto.
Sanadkii ugu horreeyay ee soo shaac bixidda dagaalka Mushrikiinta ayay buun buunin saa’id ah ka heleen warbaahinta caalamiga ee reer galbeedka iyo kuwa Somaalida ee ka hiilisay muslimiinta waxayna dadka Somaalida mushrikiinta ugu muujinayeen “wadaadadii suufiyada oo lagu gardarooday kadibna hubka qaatay si ay isku difaacaan”!!.
Hoggaanka XSHM iyo dadka indheer garadka ah way ogaayeen in kooxahaani Ahlusuna Waljamaaca labaxay aysan aheyn wadaaddo oo ay yihiin mushrikiin ku xiran Males Zenawi, muuqaalkooda iyo dhaqankooda ayaaba khilaafsanaa waxa ay sheeganayeen, sanado kadib kooxahaasi waa ay daciifeen markii lagu naafeeyay dagaallo ka dhacay bartamaha dalka Somaaliya dadkii ay khaldeen ayaa fahmay in ay yihiin xaabo Amxaaro oo cadaw ku ah Somaaliya.
Beelaha dega Galguduud oo maleeshiyaadkooda la ciidameeyay ayaa ka qoomameeyay hallaagga wiilashooda gaaray kadibna mujaahidiinta ayay heshiis lagaleen faraha ayayna ka qaadeen mashruuca Itoobiya ee Ahlusunadii Bugta aheyd.
Dagaallo caan baxay oo taariikhda galay ayaa ka dhacay Galguduud, dhamaan dagaaladaasi waxaa lagu naafeeyay kooxihii Mushrikiinta ee magaca Ahlusuna Waljamaacah ku qaraabanayay, dagaalada gallaaftay mushrikiinta oo ay kasoo waaqsan waayeen waxaa kamid ah Dagaalkii Wabxo ee Galguduud wuxuu ahaa dagaal saacado badan qaatay khasaara badanna geystay.
Qisada dagaalkii Wabxo ayaa u baahan waqti badan iyo baaritaan dheer balse waxaan kasoo qaadaneynaa oo kaliya khasaaraha kasoo gaaray kooxihii mushrikiinta iyo isbedelka uu ku keenay miisaanka dagaalka Galguduud.
Aroornimo Khamiis ah 10-kii June 2010 ayay ciidamada muslimiinta Somaliya laba jiho kasoo weerareen maleeshiyaad ka badan 1000 oo difaacyo iyo saldhig ka sameystay deegaanka Wabxo.
Dagaalka waxaa billaabay ciidanka muslimiinta ee aagga deegaanka Dac, saacad kadib oo uu dagaalku socday waxaa dhanka wadada Maxaas weerar kasoo qaaday Boqolaal katirsan ciidamada XSHM sidaasi ayayna laba dhinac isku heleen dagaalkuna wuxuu ahaa mid malxamad ah oo saacado dhiig layska daadinayay.
Mushrikiinta waxay wateen gaadiid dagaal oo badan iyo saanado dagaal oo si hagar la’aan ah ay usoo siisay dowladda Itoobiya laakiin waxba uma tarin oo waxay ahaayeen duul Alle garabkooda ka baxay.
Mid kamida Raggii dagaalkii Wabxo ka qeyb galay ayaa ii sheegay in mushrikiinta laga dilay 200 oo Nin dhaawacuna uu aad ubadnaa, gaadiid dagaal oo ay beebayaal kamid yihiin ayaa laga qabsaday.
Saraakiil caan ah oo ka tirsanaa mushrikiinta ayaa gowrac la marsiiyay kuwa kalane iyagoo dagaalamaya ayaa la dilay waxaa kamid ahaay Timaweyne oo caan ka ahaa deegaanka Xeraale meydkiisa waxaa laga helay togga Wabxo.
La dagaalanka kooxahan hororka ah ee magaca diimeed wata waxaa mujaahidiinta ku ceebeyn jiray wadaadda xumayaasha Somaalida iyo kuwa khuwanada ah ee aqoon yahanada sheegta waxayna dadka caamada ah ka gadi jireen in lagu gar darooday dariiqada Suufida oo caan ka ah Somaaliya balse mujaahidiinta dheg jalaq uma siin hadalada kasoo yeerayay kuwa carrab ku seeflayaasha ah, mujaahidiintu Allaah ayay u talasaarteen dagaalkooda kadibna way ka guuleysteen Xaabo Amxaaro.
Waji Kafeydankii Mushrikiinta.
Dagaallo is xigxigay oo Warxoolo iyo Shuusamareeb ka dhacay ayay gurmad toos ah usoo fidiyeen ciidamada Itoobiya oo markii horeba hubka iyo saanadaha dagaal soo siinayay mushrikiinta Ahlusuna sheegatay.
Ra’yul Caamka shacabka Somaaliyeed ee dalka iyo dibadda waxaa usoo shaac baxay wixii ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kula dagaalamaysay mushrikiinta oo ah in aysan aheyn suufinimo kaliya balse ay cadaw yihiin.
Ciidanka Amxaarada ayaa Dhusamareeb iyo Guriceel imaanayay waxayna qaadayeen dhaawacyada ciidanka mushrikiinta saanadda iyo saadka ciidanna meesha kama marneyn.
Kan intee ku ogayd?
Mujaahidiinta waa ay sii wadeen dagaalkooda illaa ay si dhamaystiran uga adkaadaan kooxahan wakiilada u ahaa Itoobiya, 26-dii Marso 2012 ayuu Xeefow oo horkacayay Kumanaan k atirsan ciidanka Amxaarada soo gaareen Wabxo iyo Ceelbuur dowladda Itoobiyana waxay iclaamisay in ay barbar taagan tahay wax ay ugu yeertay Ahlusuna qunyar socodka ah sidaasi waxaa ku feydmay wajigii wakiilada Itoobiya ee magaca diimeed sheegan jiray.
Lasoco Qeybta Dambe iyo halka ay ku dambeeyeen Mushrikiinta.