Gaalo Kacdaye Muslimow maxaa kuu Talo ah (MAQAAL) Qore:Naasiru-Diin Soomaali

Waxaan marka hore ka cudur daaranayaa in ay gaabantahay aqoontayda xagga diyaarinta isu duba ridka qoraalka, sidaas darteed waxaan aqristayaasha sharafta leh ka codsanayaa in ay ii cudur daaraan hadii ay qoraalkan ka arkaan wax qalad ah.

Qormadaan waxaan  ku soo gudbinayaa arrimo dhoor ah oo aan isleeyahya dhalinta ku abtirsata Islaamka way moogyihiin inta badan halka in yar ay si fiican u fahmeen.

Dabcan aniga ma ahi sheekh diinta garanaaya mana ahi caalim cilmi kale leh, laakiin waxaa iga hadalsiinaaya baahida maanta ummadda Islaamka ay qabto oo cid walbo inta ay hayso in ay ku biirisana halganka socdaa ay muhiim tahay.

Qormaddan waxay si guud ugu socotaa cid walbo oo sheeganaaya in uu yahay Muslim.

Qodobada ugu waaweyn ee uu qoraalkaan ka koobnaan doono ayaa waxaa lagu soo koobi karaa sidaan:

  1. Caalamka maanta jira iyo waxa ka socda qofka Muslimka mowqifkee ku haboon in uu ka istaago.
  2. Halganka maanta socdaa muxuu hadafkiisu yahay maxaase ku haboon in loogu diyaar garoobo.
  3. Dhalinta Islaam sidee uga qeyb qaadan karaan halganka socoda.
  4. Ma laga yaabaa gaalo oo diyaar garoowday muudo qarniyo ah in aan jebino inaga la sheego in aan ka mid nahay waxay ay ugu yeeraan dunida sadexaad.

Hadaba waxaan jecelahay in aan arrimahaas aan soo sheegay si faahfaahasan uga hadlo aniga oo isku dayi doona wax walbo oo aan sheego in tusaale waaqic ah aan u keeno.

Caalamka maanta jira mowqifkee ku haboon in qofka muslimka ah uu ka qaato.

 

Caalamka maanta dadka way u kala qeybsan yihiin si ka duwan sidii markii uu noolo Nabigeena Muxamad (صلي الله عليه وسلم ) iyo saxaabadiisii (رضي الله عنهم).

Caalamka xiligii Nabiga ( صلي الله عليه وسلم) wuxuu u qeybsanaa Muslim dhan ah, gaalo dhanka kale ah iyo munaafiqiin labada dhinacba u dhexeeyey oo muuqaalka kore Muslimiin ka ahaa qalbigana gaalo ka ahaa, waxaana ka dhexeeyey loolan iyo cadowtooyo salka ku hayso mabaadi’da ay kala aaminsanaayeen.

Laakiin caalamka maanta waa ka duwanyahay sidaas maxaa yeelay waxaa ku soo kororto qollo afaraad, kooxdaan afaraad waxaa laga soo dhex saaray Muslimiinta ka dib dadaal dheeraad ah oo ay gaaladu sameeyeen, nasiib daro inta badan Muslimiinta maanta joogta caalamka waxay ka mid noqdeen kooxdaan afaraad ee qabta mabda’a dhexdhexaadka la yiraahdo ama (Moderate Muslim).

Inta badan dadka Muslimiinta caalamka ku nool waxay qaateen mowqifka ah dhexdhexaad taasoo macnaheedu yahay, anaga qayb kama nihin gaalada la dagaalamayo Muslimiinta qeyna kama nihin muslimiinta iska difaaceysa gardarada gaalada iyo duulaanka ay ku soo qaadeen dalalka Islaamka ah, taas waxaa daliil u ah dad badan oo Soomaali ah  marka aad la sheekeysato waxay ku leeyahiin “Aniga nin hooyadee guursada ayaa adeerkey ah”  taasoo macnaheedu yahay hadii gaalka guuleysto waan la noolaan hadii uu muslimka guuleystana waan la noolaan laakiin aniga dagaalkooda wax iga quseeya ma jirto.

Tan waxay meesha ka saareysaa masalada Al-Walaa Wal-Baraa, maadaama aan aniga ahyn caalim si fiican u garanaaya axkaamta islamka hadane waan dareemi karaa qatarta arrinkaan anoo xakunkeeda u sii dayn doono culimadda.

Waxaa su’aal ah gaalada inaga waxay noo sheegaan in ay jiraan wax shacab la yiraahdo oo aan qusynin dagaalada iyo waxa socda ama si kooban dagaalka u dhexeeya xaqa iyo baadilka laakiin iyaga ma leeyihiin shacab aan quseynin dagaalka socda mise dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan?

Su’aashaan waxaan u deynayaa in ay nooga jawaabaan gaalada iyaga laftooda anigoo soo qaadan doona wareysi lala yeeshay ninkii gaalka ahaa ee xiray website-kii ay lahaayeen mujaahiinta Al-Qaaciddah.

Ninkan waxaa lagu magacaabaa Jon Messner(Jon David) waxaa wareystay warfidiyeeno badan laakiin waxaan jecelahy in aan idiin soo gudbiyo qeyb yar oo ka mid wareysi uu la yeesha website-ka http://www.freerepublic.com/focus/news/725374/postsqodubada aan wareysiga ka soo qaatay uu aan Af-Soomaali ku tarjumay ayaa sidaan ahaa:

John Hawkins: Intee in la eg ayaad daba joogtay website-yada ay leeyihiin argigixisada (Muslimiinta)?

Jon Messner (Jon David): Ilaa iyo markii ay dhacday dhacdadii 11-ka September. Marka hore waxaan dareemaayey in aanan awood lahayn sida dad kaloo badan qabaan, inkastoo waxa kaliya ee aan aqoon u leeyahay uu ahaa internet-ka. Sidaa darteed anigoo ka duulaayo aqoonteyda internet-ka ayaa waxaan go’aansaday in aan sameeyo wax walbo oo aan awoodo si aan u jaro isku socodka warbixinta iyo xiriirka xaga internet-ka ay sameynaayaan argigixisada (Muslimiinta), Isla markiibo waxaan bilaabay in aan iska ragistereeyo Domain-da sida Al-Quada.com, Alneda.org, ugu danbeyntiina waxaan ku guuleystay in aan afduubto website-yada Al-neda.com iyo domain-ka al-Queda laf ahaantiisa.

Messner mar la weydiiyey in uu cabsi dareemaayo iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay sidaan:

John Hawkins: Sidaa darteed ma jirtaa wax walwal ah oo xagga amaankaaga ah maadaama aad meesha ka saartay xiriirkii xagga internet-ka ee ururka ugu weyn ee hogaamiya argigixisada(Muslimiinta) caalamka.

Jon Messner (Jon David): Caadiyan ma qabo wax walwal ah oo sidaas u weyn, ma qabo walwal ka weyn kan uu qabo mid walbo oo ka mid ah dhalinyarada raga iyo dumarka isuga jira kuwaasoo loogu yeeray waajibka dagaalka Afghanistan. Waxaan aaminsanahay in ay wajahaan qatar ka weyn tan aan qabo aniga oo joogtoo ah.

Wareysiga oo af-ingiriiska ah ka aqriso Halkaan GUJI HALKAAN

Hadaba sida ka cad wareysigaan lala yeeshay gaalkaas wuxuu cadeynayaa gaaladu in aanay lahayn shacab dhexdhexaad ah oo dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan, nasiib daraduse waxay tahay inaga waxaan ku dhacnay dabinka dhexdhexaadnimada waxa ay ugu yeeraan ama (Moderate Muslim).

Kuweena sheegta in ay yihiin dhexdhexaad ayaga laftooda looma ogola in ay wax hormar ah ay sameeyaan kumana badbaadaan dhexdhexaad nimadooda sida aan ka ogaan doonno wareysi aan ku soo qaadan doono qeybaha kale ee qormaddan Inshaa Allaah.

Wareysiga gaalka waxaan kaloo ka faa’iideynaa sida shucuubta gaalada ay isugu gurmanaayaan oo qof walbo uu howsha dhanka kaga aadan uu ka wado, maxaa yeelay Jon Messner ma ahan xubin ka tirsan militeriga mareykanka maxaa ka galay dagaalka muxuu kula dagaalamayaa Al-Qaacida.

Waxay arrinkaan noo faa’iideyneysaa hadii aan nahay shucuubta Muslimiinta ah in halgankaan socda qof walbo wuxuu awoodo isna uu ka qaato waa hadii aynan ka caqli iyo maan gaabneyn Jon Messner.

Dhammaad Qaybtii Koowaad

La soco qeybaha kale Jimco walbo.

Qore:Naasiru-Diin Soomaali

ibnufirnas@hotmail.com