Warbaahinta cadowga ayaa shalay illaa iyo maanta waxa ay qorayeen ama ay sheegayeen in duqaymo ba’an oo dhanka cirka iyo badda ah loo geystay magaalada Kismaayo taas oo ah arin aan haba yaraatee waxba ka jirin.“ Fadlan lacag ku shubo”

Dowladda Kenya ay dhaqaale badan siisay qaar ka tirsan Idaacadaha ugu afka dheer ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si looga baahiyo dacaayadaha been abuurka ah ee Afhayeennada Ciidamada Kenyaatigu ay ku caanbaxeen, waxaana dadka Saxaafadda u dhuun duleela ay sheegayaan inaysan ahayn wax cusub kaalinta Saxaafadda Soomaalida ay ka qaadaneyso duullaankaasi, maadaama Warbaahita

asi ay markii horeba ahaayeen Makaroofan furan oo ciddii doonta ay ku hadleyso, balse Shardiga ku xiran uu yahay “ Fadlan lacag ku shubo”.
Xilli inta badan Warbaahinta Caalamku ay wada daabacayaan jabka Kenyaatiga kasoo gaaray dagaalkaasi iyo Meydadkooda lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ayaa Saxaafadda Soomaalida ee afkooda Cadowga ku taageera waxay ku mashquul sanyihiin barakacinta Shacabka ku nool magaalada Kismaayo, iyo warar la mid ah oo hadafkoodu uu yahay in lagu khal khal geliyo Nabadda iyo amniga ka jira magaaladaasi.Warbaahinta Soomaalida ayaa billaabay fulinta heshiiskii dhowr maalmood ka hor dalka Ruwanda ay kula gaareen Hogaanka sare ee Taliska Ciidamada Shisheeye ee Amisom.

Qodobadii kasoo baxay heshiiskaas oo ay ka mid ahaayeen in la buun buuniyo waxa loogu yeeray guulaha Ciidamada Shisheeye ee Amisom ay kasoo hooyaan dagaallada ka socda qeybo ka tirsan gobollada dalka ee ay kula jiraan Ciidamada Mujaahidiinta waxaa hadda muuqata inay dhaqan galayaan.

Banaadir Post.